berberatoday.com
“Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Sali dhige) Wuxu Geeriyooday Isaga Oo Maxkamadihii Iyo Dawladihii Somaliland Ee Kala Dambeeyey Wali Ka La’ Xaqiisii”Yuusuf Gaboobe.
April 23, 2019 - Written by admin

Waxay aheyd 1999 markii uu Maxamed Xasan Siciid Salli-Dhige noogu yimid xarunta wargeyskii Jumhuuriya si uu faahfaahin nooga siiyo war uu wargeysku daabacay oo ku saabsanaa dhibaatadii isaga iyo 2 qofoo kale kasoo gaadhay kimikadi lagu rinjiyeynayey haamaha shidaalka ee Berbera. 
Sheekooyin taxane ah oo kusoo bixi jiray Jamhuuriya iyo The Republican ayaanu ka qornay dulmiga ku dhacay sadexdaa dhalinyaro,markasta oo aanu soo bandhigno wax cusub oo la xidhiidhana waxa dhibsan jiray madaxweynihii xiliga Cigaal iyo shirkaddi Total.
Markii ay xukuumadi ka garaabi weyday qadiyadoodi,Maxamed wuxu Total kusoo ogay dacwad uu magdhaw kaga doonayo oo uu Maxkamadda ka furtay taasoo aakhirkii Maxkamadda Sare u xukuntay hal milyanoo doolar.Waxase fulintii xukunkaa is-hortaagay madaxweyne Cigaal kaasoo waaliba xiilkii ka qaaday Guddoomiyihi Maxkamadda Sare ee xiligaa Maxamed Xaaji Siciid.
Maxamed wuxu ii Sheegay inuu galayo kuliyadda qaanuunka si uu sharciga u barto oo kolkaas xaqisii la duudsiiyey usoo dhacsado dadkana bilaash ugu doodo.
Afartii sanadood ee u dambeeyey waxaanu Qaryaqaan Maxamad inta badan ku kulmi jirnay Maxkamadaha oo aniguna aan dabasocday dacwad magdhaw ah oon dawladda kusoo oogay oo ilaa hadda hortaala Maxkamadaha balse aan kala kulmay carqaladihii iyo is-hortaagi soo maray Salli-Dhige mid la mid ah.
Wali ma arag qof waxaasoo dhibaato ahi ku dhaceen oo haddana ka Calool iyo Niyad wanaagsan.Markaanu is-aragnaba aniga ayuu ii calaacali jiray ama waxuu ka sheekaynjiray dacwad qof kale oo sii khaldan looga garnaqay.Wuxu geeriyooday isaga oo maxkamadihii iyo dawladihii Somaliland ee kala dambeeyey wali Ka la’ xaqisii.
نسأل الله أن يتغمد الفقيد بواسع رحمته ويلهم ذويه الصبر والسلوان وإنا لله وإنا الية راجعون.

W/Q: Yusuf Gabobe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews