berberatoday.com
Kooxda Kubada Cagta Leicester City Oo Dhulka Oo Karbaashtay Arsenal Iyo Rajadii Gunnerska ee Ka Qeyb Galka Champion League Oo Mugdi Gashay
April 28, 2019 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Kooxda Arsenal ayaa guul daro xanuun badan kala kulantay Kooxda Leicester City kulan ku soo idlaaday 3-0 xili Arsenal ay ku ciyaarayeen 10 xidig.

Qeebtii koowaad ee kulanka ayaa ku soo dhamaaday bar-baro gool la’aan xili labada koox ay soo bandhigeen ciyaar aad u qurux badan balse Kooxda Arsenal waxaa calaamada casaanka ka qaatay Maitland-Niles daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta.

Uhu dambeen kulanka qeebtiisa koowaad ayaa lagu kala nastay bar-baro gool la’an ah, muddo kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda Leicester oo kaa faa’ideysananeysa calaamada casaanka ee loo taagay Arsenal ayaa la timid 3 gool qeebtii dambe ee ciyaarta.

Goolka hore waxaa dhaliyey Tielemans daqiiqadii 59 aad ee ciyaarta kaddib caawin uu ka helay Maddison,  Arsenal’ oo ku ciyaareysay 10-xidig ayaa kulanka oo dhan sameesay hal isku day oo gool loo filan karay.

Labada gool ee kale waxaa raacsaday Vardy oo niyada ka dilay taageerayaasha Kooxda Arsenal isaga oona haatan ka dhaliyey Arsenal 8 gool oo Premier league ah.

Hamigii iyo rajadii ay Arsenal ka qabtay kaalmaha afarta sare ayaa god mugdi sii galay wallow hadii ay soo hantaan koobka Europe League aya imaan karaan tartanka dhaga weyne.

Ugu dambeen kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Arsenal iyo Leicester ayaa ku soo idlaaday 3-0 oo ay guushu ku raacday Kooxda ka arimisa King Power.

      

 

 

Source Goolfm.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews