berberatoday.com
Habeen Labaad Oo Mucjiso Iyo Kubadeed Ah Tottenham Oo Si Yaable Ugaadhay Finalka Tartanka Champions League+Sawiro
May 9, 2019 - Written by admin

Amstardam(Berberatoday.com)-kooxda Tottenham ayaa gaadhay finalka koobka Champions league kaddib ay goolala away ah kaga soo bexeen Kooxda Ajax.

Qeebtii koowaad ee kulan ciyaareedkii u dhexeeyey Kooxaha Ajax iyo Tottenham ayaa ku soo dhamaaday 2-0 oo ay ku hor kaceyso Kooxda Ajax oo ku ciyaareysay garoonkeeda Arena ee magaalada Amstardam.

Ajax ayaa biliwgii hore ee ciyaartaba ku soo gashay dar dar xoogan iyaga oona la yimid goolka koowaad ee ciyaarta waxaana u dhaliyey kabtankooda de Ligt daqiiqadii 5 aad ee ciyaarta.

Kooxda Tottenham ayaa u muuqatay mid iska soo bar-bareen karta goolka laga dhaliyey madaama ay ubuureen fursado dhowr ah oo gool loo filan karay, balse uma suurta galin in fursadahaan ay ka faa’ideystaan.

Nasiib wanaag mar kale kooxda Ajax ayaa la timid goolkii labaad ee ciyaarta daqiiqadii 35-aad waxaana u dhaliyey xidiga reer Morocco ee Ziyech kaddib caawin uu ka helay Tadic.

Ugu dambeen Garsoorka ayaa soo gaba gabeeyey qeebtii koowaad ee kulan, waqti nasiino iyo talo soo qaadasho kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambee ee ciyaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan.

Kooxda Tottenham oo talooyin wax ku ool ah ka soo qaatay macalinkooda Pachatino ayaa ku bilaabatay dar dar xoogan qeebtii dambe ee ciyaarta iyaga oona la yimid labo gool oo deg deg ah.

Xidiga reer Barazil Lucas Moura ayaa soo nooleeyey rajadii Kooxda Tottenham kaddib markii uu dhaliyey labo gool oo cabsi badan ku abuuray taageerayaasha kooxda Ajax.

Daqiiqadihii 55-aad iyo 59-aad ayey yimaadeen goolasha uu dhaliyey Moura,  waxii ka dambeyeyna Spurs ayaa la wareegtay gacan ku heenta kulanka.

Dadaalo badan oo ay sameeyeen Kooxda Tottenham ayaa ugu dambeen heshay goolkii sedexaad ee ciyaarta waxaana mar kale shabaqa Taabsiiyay Lucas Moura  oo suurta giliyey  in Tottenham ay gaadho Finalkii ugu horeeyey ee taariikhaha koobka Kooxaha Yurub ee Champions Leagu.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku soo idlaaday 3-2 oo ay ku adkaatay kooxda Tottenham balse wadarta labada kulan ayaa ka dhigeysa mid garbo siman oo 3-3 ah ha yeshee waxay Totenham ku baxday Goolasha Badan ee ay Ku Dhalisay Garoonka Ajax.

   

    

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka Qaabkii Goolasha Mucjisada ah Totenham Udhalisay

https://youtu.be/0KFtkjXES6w?t=396

 

 

 

Sources Shabakada Ciyaaraha Ee Gool FM

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews