Baanka Dhexe oo Doonaya Inuu Wacyi-gelin Kula Dagaalamo Sicir-bararka Raashinka H
May 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Baanka dhexe ee Somaliland ayaa sheegay inay Ganacsatada ku wacyi-gelinayaan inay wax ku iibiyaan Qiimaha uu Baanku gaadhsiiyey Sarifka lacagta dollarka, kaasi oo ah halka dollar 8400, halka Ganacsatada qaarkood Halka dollar ku qiimeeyaan 10,000 kun oo Shilin.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo Maanta hor-tagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay inay ururiyaan xogta la xidhiidha siday Ganacsatadu ugu kala duwan tahay qiimaha, sid markaa loo bilaabo Wacyi-gelin ay ka qayb ka tahay Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu