Muxuu Yahay Kiiska Ay Manchester City Ku Seegi Karto Ka Qeyb Galka Champions League-ga?
May 15, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Kooxda dambi baadhista ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee Uefa ayaa dooneysa in tartanka horyaallada Yurub ee Champions League-ga laga mamnuuco kooxda Manchester City, haddii lagu helo dambi ah inay ku xad gudubtay xeerarka isticmaalka lacagaha.
Hase ahaatee, waxaa la sheegayaa in go’aanka kama dambeysta ah uu wali gacanta ugu jiro madaxa kooxda baadhitaanka oo lagu magacaabo Yves Leterme.
Ninkan oo ah Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Belgium ayaa horkacaya guddiga madaxa bannaan ee Uefa u qaabilsan baadhitaannada ku saabsan habka ay kooxuhu u isticmaalaan kharashka soo gala.