berberatoday.com
“Muuse Biixi iyo Cigaal midna laguma eedayn karo in uu ka dambeeyey oo hurriyey dagaalladii sokeeye. Cigaal wax ba iskama uu hagran in uu dagaalkaas baajiyo W/Q Maxamed Baashe Xaaji Xasan
May 21, 2019 - Written by admin

Waxa Qoray Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Cabdirisaaq Hero waxa aan kugu tirin jirey inta aan isa siin awoodihi Alle u gasrka ahaa ee daalacashada iyo ogaanshaha waxa jira laabaha addoomaha kale.

Laba jeerba tuhun baad igu xukuntay:

1. In aan qariyey wax badan oo hoose oo aan ka ogaa Siilaanyo!

Siilaanyo intii aan markaas ka helay kayd-xusuuseedka maskaxdayda, kana afeeftay in aan madaxweyne kasta loo soo heli karo taban iyo togan uu lahaa oo aanan gaadhin ayaad haddana i laab daalacatay oo tidhii xogo hoose oo aad ogayd ayaad Maxamdow adeerkii u qariyey, subxaanallaah!

Ta 80 ka cod hubaal Siilaanyo waa tognaan iyo geesinnimo taariikhda u galay. Iskaa daa Afrika ee dunida saddexaad iyo meelo ka mid ta horumartay 80 cod lama oggolaado in lagu kala baxo.

80, 000 oo cod ayaa la liqi waayey doorashadeennii u dambaysey ee bal ka warran waxa dhici lahaa 80 cod iska daaye haddii 8000 matiijadu noqoto.

2. Muuse iyo Cigaal midna laguma eedayn karo in uu ka dambeeyey oo hurriyey dagaalladii sokeeye. Cigaal wax ba iskama uu hagran in uu dagaalkaas baajiyo. Dedaal iyo tacab badan ba waa uu geliyey, shuruud kasta oo dhinacii ka horjeedey miiska keeneen waa uu oggolaaday, waxana diidey Jaamac Maxamed Qaalib oo markii hore shuruudaha soo qoray, markii dambena ku dooday markii sababta la weydiiyey ku jawaabey “waxa aan is lahaa Cigaal shuruudahaas oggolaan maayo”. Xilkaa wixii ka danbeeyey dagaalkii waa uu ku dhawaaqay, waana la galay, cidina kama macaashin.

Teeda kale marka qiimayntu timaaddo waxa uu dagaalkaasi ahaa mas’uuliyad wadareed oo dhinacii Csbdiraxmaan, Buubaa iyo Jaamac yare mas’uul bay dagaalka ku yeelanayaa oo kuwa bilaabay, shuruudihii ay la yimaaddeen haddana diidey bay ahaayeen.

Muuse Biixi, Siilaanyo, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cigaal mas’uuliyadda qaybtooda ayay lahaayeen oo waxa hayeen ama ka ag dhowaayeen wixii la wada lahaa ee la isku diley.

Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Ibraahim Cigaal waxa ay ahaayeen mas’uuliyiintii madaxtooyada, in markii shuruudihii lagu xidhay oo dhan oggaaldeen ee haddana garabkii kale ee shuruudaha keenay diideen haddii aanay dawladnimada loo igmaday difaacin miyey is dhiibi lahaayeen?

Ta madaxtooyada kuma raacsani Muuse, waana waxyaabahaas aan ka afeeftay ee maqan qodob ka mid ah.

Weligaa ha daalacan
Laabaha dadkoo idil
Taada uun u dood abid.

Cafis iyo musaamax.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews