berberatoday.com
Madaxweynaha Maxkamada Cadaalada Aduunka Oo Ka Hadley Dacwada Badda Ee Somaliya Iyo Kenya
May 22, 2019 - Written by admin

Hague(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dhawaanta loo doortay maxmadda caddaalada adduunka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dacwada la xdhiidhta muranka badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wariyaha BBC-da Bashiir Maxamed Caato oo weeydiiyay xaakimka bal sida ay u saamaynayso dacwadda maadaamaa uu isagu yahay nin Soomaali ah ayaa waxa uu kaga jawaabay “Dhalashada xaakimka iyo ka qeybgalkiisa dacwooyinka shaqo iskuma lahan, xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyinka yimaada oo idil uu xukun iyo go’aan ka gaaro , marka sidaasi daraadeed dacwad kasta xaakimadda waa ay ka qeybgalaan”.

Wuxuu intaasi ku daray “mana ahan haddii xaakimkan waddankiisu dacwad keeno in uu dacwadaasi isaga ka boxo haddaysan jirin sabab gaar ah sida in uu isaga wax kasoo abaabulay dacwada”.

Garsoore Cabdiqawi oo ah qofkii Soomaali ah oo ugu horeeyay oo heerkaas ka gaaray nidaamka garsoorka adduunka ayaa sidoo kale sheegay in uu jecelyahay in aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa uu uga faa’iideeyo dalka Soomaaliya, haddii duruufaha u ogolaadaan.

Cabdiqawi Axmed Yuusuf ayaa ka baxay jaamacaddii ummadda ee Soomaaliya, isaga oo noqday 10kii macalin ee ugu horeeyey ee loo tabobaray in ay bareyaal ka noqdaan jaamacadda, si ay u badalaan macalimiin talyaani ah oo jaamacadda dhigayay.

Mar uu ka hadlayay falcelinta ay dadka Soomaaliyeed ka sameeyeen magacaabistiisa xilka ugu sareeya ee maxkamadda adduunka ayuu sheegay in isaga kaliya aysan taas guul u ahayn, balse u tahay magaca Soomaaliyeed oo dhan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews