Ma Run Baa In Madaxweyne Biixi Socdaal Ku Tagayo Kenya Iyo In Madaxweyne Uhurru Kenyata Uu Imanayo Hargeysa?
May 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu socdaal ku tagi doono magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.
Sidaas waxa bartiisa twitterka ku qoray Rashiid Cabdi oo ah khabiir hore uga tirsanaa hay’adda ICG, ahna nin aad uga falanqooda arrimaha gobalka iyo caalamkaba. Rashiid oo degen magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata uu isna socdaal ku iman doono caasimadda Hargeysa ee Somaliland. Rashiid wuxuu sheegay inuu soo xiganayo warar Kenyan ah oo xogogaal ah,