berberatoday.com
Wiil Darbijiif Ahaa Oo Si Sahlan Ku Helay Malaayiin Doolar
May 23, 2019 - Written by admin

Wiil darbijiif ahaa ayaa aad u amaanay taageerada uu ka helay

“shabakad u istaagtay caawintiisa ” ka dib markii loogu yaboohay deeq waxbarsho o u dhiganta 3 milyan oo doolar.

Wiilkani guri la’aanta ah ayaa waxa uu boosas ka helay in ka badan 40 kuleej.

 

Tupac Mosley, oo ka soo jeeda magaalada Memphis, ee gobolka Tennessee,ayaa guri la’aan noqday ka dib markii uu aabihii geeriyooday 2017.

Qoyskiisa ayaa waxay la kulmeen dhibaato dhaqaale islamarkana bishii February ee sanadkan ayay u wareegeen hoy kumeegaar ah.

Wiilkani oo 17 jir ah ayaa sheegay in uu seexan jiray meel ismiid ah oo aad u liidata,balse uu sii waday in uu codsado iskuulada.

Waxa uu u mahadceliyay “dadkii taageeray ” iyo doorkii ay ka ciyaareen guushiisa.

“Haddii aysan ahayn saaxibaday,qoyskeyda iyo maclimiinteyda oo i garab taagnaa ilaa xilligaas meeqaamkan manta aan gaaray ma soo gaareen,” ayuu yiri Mosley.

Waxay i siiyeen dhiirigalin ah in aan sii socdo oo aanan quusan,ayuu yiri Tupac Mosley.

“in aan arko in shaqadii aan qabtay ay mirodhal noqotay waa mid qiimo badan,waana dareen wanaagsan.”ayuu intaa sii raaciyay.

Iasaga oo ka qalinjabiyay dugsiga saree ee Raleigh Egypt ee ku yaalla Memphis, ayuuTupac waxa uu u mahadceliyay maamulihiisa iyo agaasimaha xaruntii hoyga siisay ee For the Kingdom.

“Agaasimaha ayaa ka warhelay xaaladeyda waxa uuna noo ogolaaday in aan halkan joogno inta lacagta noogala uruurinayo,” ayuu yiri.

Inkastoo u noolal adag ku noolaa ayaa haddana wiilkan waxa uu fasalkiisa mar walba ka gali jiray lambarka koowaad.

Waxaa sidoo kale Tupac Mosley,ammaan u soo jeediyay qaar ka mid maclimiintiisa.

Balse Tupac oo toddobaadkan u wareegay guri uu isaga leeyahay inkastoo la siiyay khiyaar uu ku kala doorto kuleejka uu donayo in uu ku biiro uu hadana doonayo in uusan ka dheeraan asxaabtiisa iyo qoyskiisa.

“Waxa aan halkan ku haystaa nidaam cajiib ah oo la igu taageerayo ,waxay iga caawiyeen in aan guushan gaaro waxa aan joogayaa meel u dhaw”ayuu yiri.

Tupac ayaa waxa uu aqbalay deeq waxbarsho oo ay siisay jaamacadda gobolka Tennessee halkaasi oo uu ku biiri doono kulliyadda Injineernimada dhanka korantada.

Source BBC-Somali.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews