berberatoday.com
Akhriso Faahfaahin Kasoo Baxday Shilkii Uu Ku Geeriyooday Laacibkii Reer Spain Ee Jose Antonio Reyes
June 2, 2019 - Written by admin

Seville(Berberatoday.com)-Xidiggii hore ee xulka Spain iyo kooxda Arsenal, Jose Antonio Reyes oo qayb ka ahaa laacibiintii kooxda Gunners ee loo taag waayay ee iyagoo 49 kulan aan laga adkaanna ku guuleystay Horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii 2003/04 ayaa waxa uu maanta ku geeriyooday shil baabuur.

Reyes oo uu wehliyay wiil ina adeerkiis ahaa oo lagu magacaabo Jonathan oo 23 jir ahaa ayaa halkaa ku geeriyooday, halka qof saddexaad oo lagu magacaabo Juan Manuel Calderon uu dhaawac culus soo gaadhay isagoo 60% gubtay, waxaana loola cararay Isbitaalka.

Waxaa xilligii uu shilkani dhacayay Reyes uu ku sii jeeday gurigiisa oo ay ku sugayeen xaaskiisa iyo saddex carruur ah oo uu dhalay, waxaase nasiib darro baabuurkii ay saarnaayeen oo ku socday 120mph uu khadka ka baxay, kaddibna uu holcay markii uu dab ka kacay.

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa gaadhay goobtii shilkaasi ka dhacay ee dariiqa A-376, waxaana halkaa lagu arkayay baabuurkii uu waday Reyes ee ahaa Mercedes oo gebi ahaanba gubtay.

Magaalada uu ka soo jeeday Reyes ee Utrera oo sidoo kale ah goobta uu ku dhashay ayaa laba maalmood u baroor diiqi doona xiddigoodii hore, halka dhammaan laacibiintii uu la soo ciyaaray ee kooxaha kala duwan ee caalamkuna ay tacsi u gudbiyeen qoyska Reyes.

Reyes iyo xaaskiisa Noelia Lopez ayaa aqal galay ama is-guursaday bishii June ee sanadkii 2017-kii.

Waxa uu ifka kaga tagay Reyes labo gabdhood oo uu dhalay oo la kala yidhaahdo Noelia oo shan sano jir ah iyo Triana oo labo sano jir ah, xaaskiisa Noelia Lopez iyo wiilkiisa oo 11 sano jir ah kaasoo lagu magacaabo Jose Antonio Jr.

SAWIRRO:

SOURCES GOOL FM.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews