Safaarada Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Madaxwaynaha Somaliland Socdaal Ku Tago!
June 10, 2019 - Written by Berbera Today
Sweden(Berberatoday.com)-War saxafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ku leedahay dalka Sweden ayaa Lagaga Hadlay Wararka sheegaya in madaxwaynaha somaliland dhawaan safar ku tagayo Dalka Sweden iyo xaqiiqada warkaasi,
Warsaxaafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ee dalka Sweden oo uu ku Saxeexan yahay wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Amb Sakariye Xasan Wacays ayaa lagu sheegay in aanuu jirin wax safar ah oo madaxweynaha dalka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku imanayo dalka Sweden,