“Soomaaliya Waa U Cadaw Somaliland, Xafiiska Kenya Ay Ka Furanayso Somaliland-na Aad Bay Uga Cadhootay” Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland”Yasiin Faratoon
June 10, 2019 - Written by Berbera Today
“Haddii Maamulka Muqdisho Uu Garan Waayeen Qaab ay kula Heshiiyaan Kenya, Maaha Inay Somaliland Qiil ka Dhigtaan”.Wasiir Faratoon.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamaantay si adagna uga hadashay hadalo ka soo kala yeedhay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya Axmed Cawad oo sheegay inay Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay xafiis ka furato Hargeysa.
Warbixin uu dhawaan qoray Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ku sheegay inay dawladda Soomaaliya u ogolaatay dawladda Kenya inay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.“Waa dawladda Soomaaliya cidda Kenya siisay ogolaanshaha inay qunsuliyad ka furato Hargeysa, Kenyana waxay annagana noo ogolaatay inaanu qunsuliyad ka furano Mombasa haddii aanu doonayno.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.