berberatoday.com
Natiijada Doorashadii Kazakhstan Oo La Shaaciyey
June 11, 2019 - Written by admin

Kazakhstan(Berberatoday,com)-Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka Kazakhstan Kassym-Jomart Tokayev ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Axadi shalay ka dhacday dalkaasi dhaca bartamaha Asia.

Guddiga dhexe ee doorashada Kazakhstan ayaa maanta ku dhawaaqay in Kassym-Jomart Tokayev uu helay ku dhawaad 71 boqoliiba codadki la dhiibay. Musharraxa ugu dhaw oo ah hogaamiyaha mucaaradka ninka la yidhaahdo Amirzhan Kosanov ayay guddigu sheegeen inuu keenay 16 boqolkiiba codadka doorashada.

Laakin guddiga muraaqabeeyay doorashadi shalay ayaa cambaareeyay sida ay doorashada u dhacday, gaar ahaan xadgudubyo dhanka xuquuqda aasaasiga ah oo lagula kacay dadweynaha oo ay ku jireen xadhig loo geystay ku dhawaad shan boqol oo ruux ka mid ahaa dad si nabad ah ku mudaaharaday.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in doorashada la musuq maasuqay.

Doorashadan ayaa aheyd tii ugu horeysay oo dalkaasi ka dhacda muddo 30 sana ah, kaddib marki uu dhawaan is casilay hogaamiyihi mudada dheer xakumayay dalkaan Nursultan Nazarbaev.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews