Feyraska Ka Dhasha Hergebka Oo Lagu Daweyn Karo Cudur Halis Ah’
July 9, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Feyraska ka dhasha Hergebka ayaa waxaa uu dili karaa Kansarka ku dhaca kaadi heyska,
sida ay muujineyso daraasad la sameeyay.
Tijaabada qaar ee lagu sameeyay bukaanno qaar ayaa muujineysa in Feyraska Hergebka uu dilay dhammaan unugyada Kansarka.
Caddeymaha ayaa sidoo kale muujinayaa in qof qabay cudurka Kansarka oo lagu tijaabiyay Feyraaska Hergebka ayaa waxaa baaritaankaas lagu ogaaday in astaamaha cudurka Kansarka laga waayay, baaritaanada kaddib.