berberatoday.com
Wasiir Maxamed Kaahin Oo Culaysyo Siyaasi Ahi Haystaan, Baaqyada Loo Dirayo, Dareenka Bulshada Iyo Hadal Haynta Badalkiisa.
July 10, 2019 - Written by admin
Wasiir Maxamed Kaahin Oo Culaysyo Siyaasi Ahi Haystaan, Baaqyada Loo Dirayo, Dareenka Bulshada Iyo Hadal Haynta Badalkiisa.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ka dib dagaaladii lagu jabiyey heshiiskii nabada ee haldoorka somaliland dhex dhigeen beelaha degmada Ceel Afweyn, waxa isa soo taraya culayska siyaasiga ah ee haysta Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.

Baaqyada ugu culus ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi loo dirayo ayaa la xidhiidha inuu xilka ka qaado wasiirkiisa arimaha gudaha, iyada oo lagu eedaynayo inuu gudan waayey waajibaadkii ka saarnaa ilaalinta amaanka gudaha gaar ahaana degmada Ceel Afweyn.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa culaysyada haysta waxa cirka ku sii shareeray dagaalada markale ka qarxay deegaanka Ceel Afweyn kaas oo u dhaxeeya beesha wasiirka iyo beel kale, waxaana wasiir Maxamed Kaahin lagu eedaynayaa inuu waxba ka qaban waayey beeshiisa oo qayb ka ah colaada ka taagan Ceel Afweyn iyo deegaano kale oo ka tirsan degmadaasi.

Xildhibaan Nacnac oo ka mid mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa wasiirka arimaha gudaha ku eedeeyey inuu waxba ka qaban waayey colaada Ceel Afweyn “Wasiir Maxamed kaahin wuu ka gaabinayaa oo wuu ogyahay colaada Ceel Afweyn, madaxweynuhuna waa inuu wax ka qabtaa hadii uu nabad galyadii wadanka waxba ka qaban waayey isaga oo wasiirkii arimaha gudaha ah oo waliba reerkiisii qaban waayey xilka halaga qaado ayaan leeyahay oo waliba deg deg halooga qaado, xilkaasna nin aan labada reer midna ahayn haloo dhiibo kaas oo aan u naxayn kii qaladka sameeya.

Xildhibaan Nacnac ayaa sidoo kale iscasilaad ugu baaqay wasiir Kaahin “Wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin waxaan leeyahay is casil hadaad meeshii ka bixi kari wayday, wadankana hadaad nabad iyo wanaag ka doonayso is casil.”ayuu yidhi xildhibaan Nacnac.

 

Sidoo kale shacabka somaliland oo si weyn uga xun dhacdooyinka colaada ee ka soo noqnoqday degmada Ceel Afweyn iyo dagaalada labada beelood ee halkaasi wada daga ayaa muujinaya dareen ay ku dalbanayaan in wasaarada arimaha gudaha laga badalo Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo ay ku eedaynayaan inuu ka gaabiyey wax ka qabashada colaada deegaankaasi ka taagnayd sanadadii ugu dambeeyey.

Wasiirka horumarinta biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka mid ah xubnaha ay bulshada somaliland isla dhexmarayaan ee la filayo in madaxweyne Muuse Biixi uu u magacaabayo wasaarada arimaha gudaha, kaas oo loo arko masuul ka soo bixi kara masuuliyada balaadhan ee wasaaradaasi.

Si kastaba ha ahaatee madaxweynaha somaliland ayaa la dhawrayaa talaabada uu qaado ee uu kaga jawaabo heshiiska jabay ee hore loo dhex dhigay beelaha wada dega degmada Ceel Afweyn.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews