berberatoday.com
Britain Oo Maraakiibteeda Uga Digtay Marinka Hormuz
July 21, 2019 - Written by admin

London(Berberatoday.com)-Maraakiibta Britian ayaa looga digey inay u dhawaadaan marinka Hormuz muddo kumeel gaar ah, kadib markii markab saliidda qaada oo Ingiriisku leeyahay ay qabsadeen ciidamada ilaalada kacaanka ee Iran.

Afhayeen u hadashay dowladda Britain ayaa maanta sheegtey kadib markii kulan ay yeesheen guddiga arimaha deg degga ah ee COBRA, ay muujiyeen walaaca ay ka qabaan sida ay warka u dhigeen ‘ficillada aan la aqbali karin ee Iran, islamarkaasina ay ficilladeeda ka hojeedaan xurriyadda isu socod ee caalamiga ah.’

Wasiirka arrimaha dibadda Britain Jeremy Hunt ayaa maanta sheegey in uu ka walacsan yahay in Iran ay qaadday tallaabo qaldan markii ay qabsatay markab Ingiriisku uu leeyahay Jimcihi.

Masuuliyiinta badda ee Iran ayaa codsaday in la soo qabto markabka Stena Impero oo lagu eedeyay in uu ku xad-gudbay qawaaniinta caalamiga ah ee badaha, sida ay ciidamada Iran sheegeen.

Iran ayaa sheegtay in markabka iyo dhammaan shaqaalah la socda la geeyay xeebta dhinaca koonfur bari ee Iran ee Bander Abbaas.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Faransiiska ayaa iyaduna sheegtay in tallabadaasi ay tahay mid laga walaaco islamarkaasina ay dhaawaceyso dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda gobolka ka aloosan. Sidoo kale, Jarmalka ayaa ficilka Iran cambaareeyey.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews