berberatoday.com
Donad Trump Oo Xeelad Horleh U Dagay Qulqulka Muhaajiriinta
July 21, 2019 - Written by admin

Washington(Berberatoday.com)-Maamulka Madaxweyne Donald Trump ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay shuruuc cusub

oo lagaga hortagayo dadka magan-galyo doonka ah ee ka imanaya dalalka bartamaha qaaradda Amerika.

Shuruucdan cusub ayaa waxaa ka mid ah in muhaajiriinta ay marka hore magan-galyo soo weydiistaan dalalka ay soo marayaan, si loogu oggolaado inay magan-galyo ka helaan Mareykanka.

 

Qorshahan ayaa dhaqan galay 16-kii bisha July, waxa haddaba la isweydiinayaa suurta galnimada arrintaas.

Mas’uuliyadda la iska weeciyo

Muhaajiriinta ku qulqulaya Mareykanka ayaa intooda badan ka yimaada dalalka bartamaha Amerika oo ay ka mid yihiin Honduras iyo El Salvador, kuwaas oo haatan xaaladooda aysan daganeyn.

Dadkan ayaa inta badan ku safra dhulka, iyagoona soo dhex-mara dalal kale.

Hasayeeshee qorshaha cusub ee maamulka Trump ee ah in dadkaas marka hore ay magan-galyoo soo weydiistaan dalalka ay soo marayaan ayaa caqabad ku noqotay muhaajiriin badan, maadaama dalalkaas ay iyaguna la tacaalayaan isla qulqulka muhaajiriinta.

Dalalka ugu badan ee uu qorshahan saameyn doona ayaa ah Mexico iyo Guatemala oo ah halka ay soo dhex-maraan muhaajiriinta.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in hannaanka qaabilaada dadka magan-galyo doonka ah ee dalka Mexico uu yahay mid aan dhaqaale u hayn arrintan oo la circiiraya muhaajiriin badan, waxaana sidoo kale jiro dad wali ku xaniban xuduudda Mareykanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale soo rogay qaab dadka muhaajiriinta aysan ku soo dhaafi karin dalka Mexico.

Muhaajiriinta ayaa sida caadiga ahba waxaa lagaa rabaa in magan-galyada ay ka soo codsadaan dalalka loo arko inay yihiin kuwa ammaan ah, balse dad badan oo haatan doonaya inay galaan Mareykanka ayaa waxaa si bareer ah usoo barakiciyay buracd ku nool dalalka dariska, maadaama ay yihiin dad u nugul, dhibaato bandanna ka soo mara safarka ay ku imanayaan Mareykanka.

Qulqulka muhaajiriinta ayaa keentay in dalal ay ka mid yihiin Canada iyo Mareykanka ay kala saxiixdaan heshiisyo ay ka mid yihiin in qofka magan-galyo weydiistay mid ka mid ah labada wadan, balse u talaabaa kan kale dib loogu celiyo halka uu marka hore soo caga dhigtay. Dowladda Mexico ayaa sidoo kale ku gacan seertay qorshahaas oo loo soo bandhigay, maadaama ay noqoneyso in dalkeeda dib loogu celiyo muhaajiriin badan oo Mareykanka u tallaabay.

Madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhamaanayo ee dalka Guatemalan, Jimmy Morales ayaa doonayay in arrimaha ku saabsan muhaajiriinta uu kala hadlo dhiggiisa Mareykanka, balse waxaa arrintaas hor-istaagay maxkamadda dastuuriga ee dalkas.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in shuruucda cusub aysan qaban doonin dad ay ka mid yihiin dhibanayaasha dadka la safriyo ee laga ganacsado. 

Hasayeeshee hay’adaha gargaarka ayaa aaminsan in dadka ay ku safri karaan wado qaldan oo ay ka mid tahay inay badda ku soo tahriibaan, si ay Marekanka u yimaadaan.

Shuruucdan cusub oo ay ahayd in la horgeeyo aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaanan la horkeenin, waxaana ku dhawaaqay waaxda cadaaladda iyo wasaaradda amniga ee Mareykanka, waxaase lagu wadaa in lala tiigsado maxkamadda federaalka.

Hay’adaha u dooda xorriyadda dadka rayidka ee Marekanka ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Madaxweyne Trump ay meesha ka saareyso taakuleyntii lagu yaqaanay Mareykanka.

“Maamulka Madaxweyne Trump wuxuu isku dayayaa in shuruucda dalkeena uu dib u celiyo iyo in uu meesha ka saaro dedaalkii lagu bixin jiray badbaadinta kuwa khatarta ku jira, shuruucdan cusub waa sharci darro, maxkamad ayaana la tiigsan doonaa”. Ayay yirahdeen.

War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay in tallaabada Mareykanka ay khatar gelineyso dadka u nugul khatarta ee u baahan in laga badbaadiyo qalalaasaha.

Xeerka Qaramada Midoobay ee sanadkii 1951 ayaa waxaa uu dhiagaya in la soo dhaweeyo, lana badbaadiyo dadka magan-galyo doonka ah ee dhibaatooyinka ka soo carara, waxaase muuqata in maamulka Madaxweyne Trump uu iska indha tirayo xeerkaas.

BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews