berberatoday.com
Halkan Ka Akhriso”Qisada Caruur Ardaya Oo Dawlada Maxamed Siyaad Bare Hargeysa Ku Xasuuqday
July 21, 2019 - Written by admin

Drs Edna Aden Ayaa Kawarantay

Iyagoo balcadii dugsiga sare xidhan oo tiradoodu ilaa dhawr iyo labaatan arday yihiin oo wada wiilala oo wada mayd ah ayaa baabuur lagaga daadiyay Dooxa HARGEYSA club badhtankiisa, nin kornayl ah oo suufi ah kana tirsanaa xer degenayd halkii Ming Sing Restaurant uu ahaan jiray oo dooxa ka talaabayay ayaa arkay Wuu isdul taagay isagoo sidii u dul taagan ayaa waxa goobta yimid cagafcagaf baldowsar ah noocan iskarogooyinka ciida Ku gurta ninkii waday cagafcagafta oo ibraahim la yidhaa ayaa lagu soo amray in uu ardayda soo aaso, meeshii dooxa dhexdiisa ee maydku yaalay markii uu soo gaadhay wuxuu ugu yimid maydadkii ardayda oo Kornaylkii dul taagan yahay Kornaylku ma labisna, Ibraahim cagaftii ayuu ka soo degay kadibna Kornaylkii ayuu agtiisa soo joogsaday wuxuu isna eegay Ardayda maydka ah ee dhulka is dul tuulan dooxa dhexdiisa, mar danbe ayuu Kornaylkii oo ay is wajigaranayeen waydiiyay caruurtan waa tan oo dhaawacyona ma qabaane sidee ayay ku dhinteen ma cuntay ku wada sumoobeen waxan oo arday ahi?

Kornaylkii oo dirqi hadal Ku kaga soo baxayo ayaa yidhi “Ibraahinow Ciidamada ayaa Ardaydan Dugsigoodii ka soo ururiyay kadibna Cusbitaalkoodii ayay Dhiigaga kaga SHUBTEEN markay dhiigbeeleena waa kuwaa wada dhintay ee sidii xashiishka halkan ku daadiyay.

Markii intaa Ibrahim maqlay labadiisii Indhood ilmo ayaa ka soo butaacday, lkn haddii Ciidamadii arkaan isagoo u ooyaya ardayda dhiiga laga shubtay ee dhintay isaga lagtiisa ayay dilayaan Ibraahim mayadadkii ardayda wuxuu Ku ururiyay cagafcagafta afka hore ee ay ciida Ku gurto kadib waxa uu geeyay beer ka soo horjeedka Fooqa Taliska Ciidamada ee Malko Durduro ka soo horjeedkiisa Ku taal oo dhinaca danbana dooxa Malko Durduro ka maro Beerta waxa leh Ilma Daauud beerta dhexdeeda ayuu Ibraahim Maydadkii ardayda keenay 2 jeer ayuu soo kala qaaday maydadka kadib Cagaftii ayuu God ugu qoday markaasuu halkaa ku aasay.

Ibraahim ilaahay danbigiisa ha dhaafi e Wuxuu soo tusay goobtii Kooxo khubaro ah oo Ajanabi ah kuwaasi qaar UN ayay ka socdeen qaarna Ururada Baadha Xadgudubyada oo leh aqoonta xabaalo wadareedyada ayuu tusay oo geeyay dhawrjeer waxana ay qodeen goobtii iyagoo burushyo yar yar ku qodaya si aanay laf kali ahina sida ay u aasan tahay uga dhaqaaqin mudo ayay socotay qodidu waxana ay gaadheen lafihii ardayda oo iska hor iyo dabo wada jeeda waxay ka qaadeeb hido sidayaasha DNA

Markaa warbixinta Edna Adan waa xaqiiqo ardayda dhiigga laga shubay ee sidaa ku qudhbaxday may ahayn keliya dhawr iyo labaatanka aan ka soo sheekeeyay laakiin dhowr kun ayey tiradoodu gaadhaysay.

Magacyada askartii hawshaa sida gaarka u fulinaysay qaar badan waxa ururiyay ururada xuquuqda aadamiga. Markaa Eebe ha u Naxariisto caruurtaa yaryar ee sida islaanimda iyo aadaminimada ka baxsan balse waafaqsan Soonaalinimada qudha looga jaray

Waxa qoray Suleiman Bolaleh

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews