berberatoday.com
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xisbiyada Mucaaradka Kala Dooransiyay In Doorashada La Qabto Iyo In Gudida Doorashooyinka Lakala Diro Oo Dib Loo Dhigo Doorashada
July 21, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday Madaxtooyada Somaliland ayaa labada xisbi mucaarid ugu baaqay inay muhiimada koowaad siiyaan qabsoomida doorashooyinka, isaga oo xusay inay soo dhawaatay wakhtigii sharcigu dhigayey in mudo kordhin laga dalbado golaha guurtida.

Madaxweyne Muuse oo la hadlaya xisbiyada mucaaidka ah ayaa waxa uu yidhi

“Xisbiyada mucaaridka ah waxaan leeyahay saaxiibayaal wakhtigii doorashadu hadii ay inaga gaadho bisha August 10-keeda, sharciga waxa uu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida caawana waxaynu joogna 20-ka July waxaana inoo hadhay 20 cisho iyada oo murankeenu yahay laba halagu daro gudida doorashada iyo yaan lagu kordhin, horta ma waxa inoo muhiim ah in laba qof lagu daro gudida doorashada mise in doorashadu inoo dhacdo ayaan waydiinayaa saaxiibaday.”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray dooda ay qabaan xisbiyada mucaaridku ee la xidhiidha in la kordhiyo gudida doorashada waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay laba qof halagu kordhiyo oo imika sharci hala bilaabo macquul maaha, maantana aynu ku galno sharcigu sida uu yahay, marka aynu dhamayno baarlamaanka aynu ku darsano labada laakiin 20 cisho sharci hala furo oo halaga doodo maxaa loo kordhinaya oo baarlamaan haloo geeyo codna hala galiyo taas doorashadu way inagaga xumaanaysaa oo gaadhi mayno.”

Sidoo kale madaxweynaha somaliland ayaa labada xisbi mucaarid u dirnay codsi u muuqda inuu kaga dalbanayo inay tanaasul sameeyaan waxaanu yidhi “Labada xisbi waxaan u soo jeedinayaa dalku doorasho ayuu u baahan yahay, labadaas xubnood ee aad doonaysaan maalinta aynu doorashada ka baxno ajandaheena u horeeya ha noqdaan maantana hadaynu hawshaas galno ka bixi maynee waxaan soo jeedinayaa inaynu doorashadii galno oo aynu ka gudubno waxani ma findhicilbaa mise maaha hadalkiisana la xidho.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews