Isbaheysiga Carabta Oo Duqeeyay Caden
August 12, 2019 - Written by admin
Cadan(Berberatoday.com)-Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in ay maanta duqeeyeen bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen xoogaga gooni-ugoosadka shalay la wareegay magaalada Caden ee Koofurta dalka Yemen.
Isbaheysigu waxay sheegeen in ay beegsadeen wax ay ku sheegeen khatar si toos ah ugu wajahan dowladda uu caalamka aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi.
Ma cadda wali aaga ay sida gaarka ah u duqeeyeen ciidamada Isbaheysiga, hase yeeshee dadka deegaanka magaalada Aden ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay, in ay maqleen dhawaaqa madaafiic ku dhacday xerooyinka milatari ee ay qabsadeen xoogaga gooni-u-goosadka ee magaala xeebeedka Caden.