Madasha Wada-Tashiga Oo Ka Digtay In La Carqaladeeyo Doorashada Bidhaanteedii Muuqato
August 13, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madasha wada tashiga ayaa ka digtay in la carqaladeeyo doorashada uu ifaafalaheedu soo muuqdo ee golaha wakiilada.
Warsaxaafadeed ay madashu soo saartay waxay ku tidhi sidan “Dhaqan soo jireen ah ayay noqotay in markasta oo doorashadu soo dhawaato, goleyaasha dawladu xaalad abuur sameeyaan, si korodhsiimo aan sharci ahayn u samaystaan, arrinkaas oo khilaafsan distoorkii umaddu ku heshiisay, dalkana khalkhal iyo wareer gelinaya, dhaawacayana himilada dad badan oo filayay in la doorto waxna doortaan.