berberatoday.com
Carrie Symonds Oo Ah Saaxiibada Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Loo Diiday Fiisaha Dal Ku Gal Mareyakanka Iyo Sababta
August 21, 2019 - Written by admin
Lamaanaha Boris Johnson Oo Maraykanka Loo Diiday

Carrie Symonds oo ah ra’isal wasaaraha Ingiriiska Mr Boris Johnson saaxiibaddii ayaa dalbatay fiisaha Maraykanka si ay halkaasi u tagto maalmaha soo socda iyada oo qayb ka ah koox arrimaha degaanka ka shaqaysa oo fadhigoodu yahay Maraykanka hase ahaatee dawladda Maraykanka ayaa diiday in ay siiso dal ku galka.

Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray wuxuu sheegay in la rumaysan yahay in sababta loogu diiday dal ku galka Maraykanku tahay in ay Somaliland bookhatay sanadkii 2018. Symonds oo la socotay Nimco Cali oo reer Somaliland ah ayaa sanadkii hore timid Somaliland waxaanay la kulantay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyada oo muddo shan cisho ah joogtay.
Lamaanaha Boris Johnson Oo Maraykanka Loo Diiday
Wargeyska ayaa sheegay in ay ra’isal wasaaraha Ingiriiska ee cusub Mr Boris Johnson arrintani waji gabax ku noqotay maaddaama lamaanihiisa loo diiday in ay arrimo shaqo u tagto dalka Maraykanka.

Miss Symonds ayaa Maraykanka ku lahayd kulamo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadeeda iyada oo qayb ka ah urur ka shaqeeya badqabka badaha waxaanay halkaasi tagaysay ka hor todobaadka dambe inta aanay ra’isal wasaare Boris Johnson ku wehelin socdaalkiisa Faransiiska ee shirka waddamada G7.

Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in aanay arrintan si degdeg ah u faro gelin Karin madaxtooyada Ingiriisku maaddaama aanu Mr Johnson si rasmi ah u guursan Miss Symonds oo ay wali ku wada socdaan lamaane saaxiib ah.
Lamaanaha Boris Johnson Oo Maraykanka Loo Diiday
Madaxtooyada Ingiriiska iyo safaaradda Maraykanka ee London ayaan arrintan ka hadal laakiin, ilo diblamaasiyadeed ayaa wargeyska u sheegay in laga shaqaynayo sidii Symonds u tagi lahayd Maraykanka sida qorshaheedu ahaa.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews