berberatoday.com
Wasaaradda Gadiidka Oo Amaro Culus Dul Dhigtay Shirkaddaha Gadiidka Somaliland
August 22, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku iyadoo fulinaysa Xeerka Wadamarista (Xeer L/r 56/2013) Qodobadiisa 75aad iyo 76aad oo qeexaya xadidaada xawaaraha ay ku soconayaan gaadiidku si looga hortago loona badbaadiyo khasaaraha naf iyo maalba leh ee ay sababaan shilalka Gaadiidka .

Sida ku qeexan xeer nidaamiyaha dhismaha Wasaaraddaha & Hay’addaha xukuummadda L/r 01/2018 Qodobka 25aad, inay curiso xeerarka & siyaasadaha lagu xaqiijinayo helitaanka adeegyada Gaadiidka badda ,cirka & dhulka oo nabdoon isla markaana ah mid laysku halayn karo

Sida ku cad Qodobka 57aad ee Xeer L/R 56/2013 oo qeexaya qaybaha kala duwan ee liisamada wadida Gaadiidka iyo noocyadooda.

Hadaba, Wasaaraddu si ay wax uga qabato kana hortagto khasaaraha Gaadiidka waxay keenaysaa qalabka Casriga ah oo loogu talo galay in lagu rakibo gaadiidka si loo xaddido xawaaraha gaadiidka (Vehicle Speed Governors).

Sidaa daraadeed, Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidku waxay soo saartay in la raaco shuruudahan hoos ku taxan:-

1) In laga bilaabo taariikhda ay warqadani soo baxday ay waajib tahay in ay dhamaan mulkiilayaasha Shirkadaha Gaadiidku ay iska diwaangaliyaan Wasaaradda si loo hubiyo xaaladiisa badqab.

2) In Wadayaasha Gaadiidka Shirkadaha rakaabka ay qaataan liisanka Dirawalnimo ee derejada (D), Halka wadayaasha Gaadiidka Qaadka looga baahan yahay inay qaataan liisanka derejada (C).

3) In lagu bilaabo hawshan labada gobol ee kala ah M/Jeex iyo Togdheer, sidoo kale Gobolada kalena la gaadhsiin doono sida ugu dhakhsaha badan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews