“Qarankani Waxa Uu Ku Dhisan Yahay Reero, Haddii Qaar Wax Tabanayaan Tabashadooda Hala Daweeyo”Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan
August 23, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guuritda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo dhag raariciyo beelaha ka biyo diidsan saamiga golaha wakiilada ee cabashada ka
Waxa uu sida oo kale ku kaftamay in ay iska jelaysteen kuraasta golaha guuritda isla markaasna ay waayeen shacab ka kaca yidhaahda, guddoomiye Saleebaan ayaa sidan u sheegay tilifishanka Sahan oo waraysi ka qaaday, waxaanu arinta saamiga isaga oo ka hadlaaya uu yidhi” Beelahu haddii ay ka cabanayaan sida wax loo qaybsaday soo dhawaada, golayaal ayaynu leenahay ee golayaasha ha laga hawlgalo, golayaasha ha keeneen laakiin salaadiin,odayaal iyo cuqaal iyo warbaahintu inta badan waxa la gashadaa waxba ma dawayso, waxay aniga iigu muuqataa haddii wax la dawaynaayo golahan iyo madaxweynaha iyo dadka waxgaradkaa halaga hawlgalo golayaasha ha timaado haddii ay gar leeyihiina waa in gartooda la maqlaa, hadal ma laha, qarankani waxa uu ku dhisanyahay reero haddii qaar wax tabanayaan tabashadooda hala daweeyo.”