berberatoday.com
Gobollad barri iyo Galbeedka Jamhuuriyad Somaliland Dooda Saami-qaybsigu waa gar-tood ee gar-darro kuma ah ?Abokor I Mohmud abokorm@hotmail.co.uk
September 8, 2019 - Written by admin

Gobollad barri iyo Galbeedka  Jamhuuriyad Somaliland  Dooda Saami-qaybsigu waa gar-tood  ee gar-darro kuma ah ?

 Waa mid mudan  in la dhegaysto la soo dhaweeyo la dhugto  dhamaanba gobolada iyo degmooyinka  Jamhuuriyad Somaliland ee  ka biyo-diidsan Hananka Kuraasta lagu qaybiyey  ee Golaha wakiilada  markaan lagu galay doorashadii 2005 , doorasho danbe oo la qabatay aanay jirin oo Golah wakiilada ah .   Doorashada 2005 iyo qaacida lagu galay ma aheyn mid  laga soo shaqeeyay oo  markaan laysku raacay  sidaan ku noqonaysa mid rasmiga ah  marwal iyo mar kast oo doorasho Golaha wakiilad , timaado  la adeegsan doono  laguna dhaqmi doono.  Hasa  yeesha qaacidad iyada ahi waxay ahayeyd mid loo arkay xaalka markaa jiray in wax lagu yagleelo  ka dib na laga shaqeeyo  hanaan wanaagsan oo hufan oo mug iyo misaan leh oo  guud ahaan  Jamhuuriyada Somaliland isu dheeli tiraaya .

.

 Nasiib-darrad weyn ee dhacaday waxa ay tahay  Goliihi  wakiilada ee lagu soo doortay  qaacidada aan rasmiga aheyn ee lagu waday inay  doorashadood ka dib ka  shaqeeyaan  Xeerarka iyo  sharciyada loo bahan yahay ayaa noqday kuwo ku guul-dareystay waxay shaqadoodu aheyd.

.

Sidda oo kale waxa iyaddun si la mid ah guul-darrad golah wakiilada oo kale ku dhaqaaqay Xukumadii xiliga joogtay ee Daahir Riyaale kaahin iyo Xukumadii kale ka danbeysay  ee Axmed siilaanyo mid kooda  aanu xil iska saarani  unna  dhaqaaqin  wax ka qabshad iyo ka soo bixida  kaalinta ah qaacidada Saamiga bud-dhigeedu yahay haddana xukumada Joogta aanay iyadunna  dhegaha aad uga fureysanayso iskuna dayey so inay is dhaafiso siddii xukumadii hore  balse ay adag tahay in lagga yeelo sidda hadda xaalku u suxul duuban yahay , dareen aad u dhawaaq dheer iyo ummada oo u diaar ah inay wax kast ku bixisa ay diyaar yihiin .

.

Dooda wakhtigeedi dhaafatay ee Maanta si xoogan in loo lafo-gure  Gobollad Bariga iyo Galbeedku ba doonayaan ?

.

 Doodan iyadda ahi waa mid aad iyo aad u muhiim ah  Qaranka guud ahaantii  , waanna mid loo bahan yahay in sidda dhabta ah loo  dhegeysto  , loo dhugto  looguna dhaqaaqo  dhabad tooska ah ee  lagu heli karro  jawaabta saxda ee ay u baahan tahay mudan tahay in lagu  dhameeyo .

.

 Waa dood in badan lays dhaafinayey  la sika idho tirayey  dib loo dhigay , xalado kale iyo xeelado kale oo aan muhiim aheyn lagu gudbayey balse Maanta ay soo dhaaatay in lagu daaweeyo hadal iyo dood jabban oo aan waxtar u yeelaneyn . Marka ay halka xaalku uu maraayo  waxa la gudboon Madaxda Qaranka  ku dhamaantood inay  wajahan doodan iyadah sidda ugu wanaagsan ee waajibkeeda lagu gudan karro looganna soo bixi karro  ku dhaqaaqan  iyadd oo meer –meer iyo dib u dhigis iyo hadal aan meel wax ka qabaneyn lagga fogaanaayo   runta iyo xaqiiqda lagu hiranaayo.

.

Waa kaalin  aad ugu  muhiim ah Qaranka dhismida  qodobka ay doodani ku  qotonto  amma  bud-dhigeedu yahay  sida marka ay tahay dayac iyo xagal daacu ma ah mid ka yimi Bulshadda  Gobolada Bariga iyo galbeed Jamhuuriyada Somaliland  waa  Madaxda  Qaranka oo  ka soo bixi la,aa buuxinta iyo dhamestir kaalma Muhiim u ah dhimaha Qaranka  15 sandood intaa na  ay Gobolada Barri iyo galbeed ba bulshadood  muujisay  samir iyo dulqaad aad u laxaad leh  laakiin Maanta doonaya dooda iyo qodobkeeda muhiim ka ah inay ka soo dhalalan meel marintiisa , waanna  u tagaan yihiin .

.

Marka sidda ay uga so bixi lahayeen waa mid u gaar ah Madaxda Qaranka  oo ugu horeeyo Madaxweynaha   iyo Xukumadiisa  Golaha Guurtida ,Golaha wakiilada  Xisbiyada Qaranka  Aqoon-yahan Gobolada Jamhuuriayad Saomaliland  Da,yarta  Siyaasinta  Dhex-dhexadka h iyo kuwa madax Banaan .

Qisdiga iyo gundhiga ay leedahay Saami qaybsiga iyo qaacidad  saxda ah oo la gaadha waa  haybad iyo heykalka Qaranka jamhuuriyad Somaliland  oo dhisma isla markaan sii adag oo mug iyo xadiid ah u  sii adkaanaya .  Cid gaar ah u daawo iyo sad-dheeraysi u tahay  ma jirto marka lagu eego  amma lagu miisaamo Isha Caafimaad ka qabta  iyo caqliga  waaagsan ee maangalka.

 Waxa aan aad  u soo dhaweynaay  doodah iyaga ah  ee Qaacidad saamiga oo Gobolada  Awdal iyo Salel Bulshadood  qaybo ka mid ah aad xoog u saarayaan inay  dareenkood la wadaag Madaxda Qaranka iyo dhamaanba goboladda kale Dalka iyaguna la mid ka  siddanna   Bulshadda,  Awdal iyo salel la qadiyad ah  sidda  Buuhoodle Sool  iyo badhan  Taleex  iyo Sanaag ba .

Waxa aan rajenaya in la isla aqoonson –doono muhiimad iyo qiimah ay leedahay  Qaacidad saxda ah ee lagu qaybinaayo Doorashad golah wakiilada  jamhuuriyada Somaliland iyo Qiimaha iyo Sharafta ay Qaranka jamhuuriayad Somaliland iyo Ummadeed  dhinac kast oo nolasheen ah iyo dhexdeen ah b waxtar iyo qaderrin iyo midho-dhal dhaxal gal ah ugu yeelanayso . ha lagu dhiirado ayan leeyahay   arintan xaas-xaasiga ah ee  mug iyo miisaanka leh .

 

 Waa Bilaahi Towfiiq

Abokor I Mohmud

abokorm@hotmail.co.uk

fikrada  xorta ah ee Muwaadinka

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews