Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Cisbitaalka Ku Booqday Fannaanada Maryan Mursal Ciise Oo Xaalad Caafimaad Daro U jiifta+Daawo Sawirada
September 22, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka booqday Fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan oo maalmihii u dambeeyey xaalad caafimaad ugu jirtay Cisbitaalka Royal ee magaaladda hargeysa.
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa caafimaad ugu duceeyay fannaanada weyn ee Maryan Mursal Ciise Bootan.