berberatoday.com
Xukuumadda Nayrobi Oo Hargeys U Soo Dirtay Diblomaasiyiin Indho-Indhaysay Qunsuliyad Ay Kenya Doonayso Inay Ka Furato Somaliland
September 22, 2019 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Kenya ayaa toddobaadkii hore waxay magaalada Hargeysa u soo dirtay wefti Kenyan ah oo diblomaasiyiin ah.

Ma jiro wax war ah oo ay Kenya iyo Somaliland ka soo saareen weftigan, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in ujeedada socdaalka diblomaasiyiintani ahaa sidii ay Kenya qunsuliyad uga furan lahayd magaalada Hargeysa, iyagoo indho-indheeyay deegaanka u haboon ee ay ka dhigan karaan qunsuliyad. Waxa magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Diblomaasiyiintan oo ka koobnaa saddex xubnood ayaa Jimcihii ka dhoofay magaalada Hargeysa. Xukuumadda Somaliland oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo ujeedada weftigan, ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho, laakiin xubnahan ayaa wada hadal la yeeshay madaxda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Dawladda Kenya ayaa dhawr goor oo hore sheegtay inay qunsuliyad ka furanayso magaalada Hargeysa, laakiin waa markii u horaysay ee ay Hargeysa u soo dirto wefti u socda indho-indhaynta iyo diyaarinta qunsuliyada Kenya ee Hargeysa.

Dalal kala duwan ayaa qunsuliyado iyo wakiilo ku leh caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Djibouti, Turkiga iyo Ingiriiska.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews