berberatoday.com
Xisbiga Waddani Oo Ka Dareen Celiyay Iscasilaadii Xoghayaha Arimaha Debeda Marwo Faadumo Siciid
October 15, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xoghayihii xisbiga Waddani ee arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid ayaa iskaga tagtay xisbiga Waddani waxaanay si weyn uga taxadartay in ay wax dhalliil ah ku sagootido xisbiga.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani iyo taageerayaasha ayaa iyaguna niyadsamaan ku macasalaameeyay Faadumo Siciid

Afhayeenka guud ee xisbiga Barkhad Jaamac Batuun ayaa qoraal uu soo saaray u dhignaa sidan:

“Horre iyo dambeysaba Madaxda, Mas’uuliyiinta, Maamulka Laamaha Dibadda, iyo Gudaha,Taageerayaasha Xisbiga Waddani meel kasta oo ay daafaha dunida ka joogan waxay ku hayaan Abaal iyo Ogaal Halgankaagi iyo Hawshi Xisbiga aad u soo qabatay. Haddana sidaad u sheegtay inu Waddani yahay Xisbiga Wanaag iyo Sharaf kaa Mudan ayaad nooga wada mudan tahay mar walba iyo meel walba Marwo, Go’aankaaga shaqsiga ahna waanu kugu tix-galineyna Gallad Alle iyo Guul garabkaaga ha ahaato.”

Sida oo kale xoghayaha gaarka ah ee guddoomiye Cirro Cabdiqaadir Saalax Iidle ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi

“Waxa aan si milgo iyo maamuus leh u sii sagootinayaa Marwo Faadumo Siciid Ibraahin oo ahayd Xoghayihii hore ee Arrimaha dibadda ee Xisbiga WADDANI oo aan muddaddii ugu dambeysay ee ay xilkaa haysay aan si dhow u wada shaqeynay, runtiina xisbi ahaan naga mudan ixtiraam iyo qaddarin go’aanka shakhsiga ah ee ay qaadatay maanta.

Marwadu sida ay caddeysay khilaaf kuma ay tegin, balse waxaa tixgelin mudan go’aankeeda qofnimo in aan dhammaanteen ku wada ixtiraamno, noloshuna waaba geeddi iyo geeri u joog, sidaa awgeed maadaama oo ay tahay qof marwo ah oo naga mudan xurmo, waxa aan ku ambabixinayaa ereyada ugu wanaagsan ee la isku sagtootiyo; Marwooy meel kasta oo aad tagto meeqaamkaaga iyo maamuuskaagaba hel idamka Alle.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews