berberatoday.com
Dawlada Qatar Oo Difaacday Hawlgalka Turkey Ee Syria
October 16, 2019 - Written by Berbera Today

Doha(Berberatoday.com)-Qatar ayaa difaacday hawlgalka Turkiga ee ka dhanka ah dagaal-yahannada Kurdish-ka ee Waqooyiga Syria, ayada oo sheegtay in Ankara ay u dhaqaaqday inay ka hortagto “halis kusoo wajahneyd”.

Turkey ayaa Qatar ka caawisay inay ka bad-baaddo saameynta xayiraadda dhaqaale ee laba sano jirsatay ee ay saareen xulufo Sacuudiga uu hoggaamiyo.

“Eedda oo idil ma saari karno Turkey” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al-Thani oo ka hadlay kulanka Madasha Amniga Dunida ee lagu qabtay Doha.

Wasiirka ayaa sheegay in Ankara lagu qasbay inay ka jawaabto “halis lama huraan ah oo kusoo wajahneyd amniga Turkiga”.

“Markii hore Turkey waxay tiri ‘ha teegeerinna kooxahan’,” ayuu yidhi Mohammed isaga oo ula jeeda kooxda YPG ee Kurdiyiinta Syria.

“Cidna ma dhageysan. Waxay isku dayayeen muddo sanad ah inay arrintan xal kala gaaraan Mareykanka, oo ay abuuraan aag amni, si ay halista uga dhaqaajiyaan xuduuddooda.”

Ankara ayaa sheegta in YPG ay tahay “garab argagixiso” oo ku xiran kooxda dalkaas laga mamnuucay ee PKK, oo tan iyo sanaddii 1984-kii wadday dagaal muqaawamo oo ka dhan ah dowladda Turkiga.

“YPG iyo garabkeeda siyaasadeed ee PYD waa laan ka mid ah PKK, oo ay urur argagixiso u aqoonsan yihiin Mareykanka, Midowga Yurub, Turkey – iyo cid walba” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Qatar.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews