berberatoday.com
Trump Oo Cadaadinaya Turkiga , Cunqabateen Saaray
October 16, 2019 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadinaya dowladda Turkiga inay joojiso hawlgalka ay ka waddo Waqooyiga Syria, isaga oo ku baaqaya xabad-joojin islamarkaana cunaqabteenno saaray saraakiil Turkish ah.

Trump ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu Ankara u diro wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence, si ay mas’uuliyiinta dalkaas ula yeeshaan wada-hadallo lagu xalinayo xaaladda.

Tallaabooyinka Trump ayaa ka dambeeyey dhalleeceyn xooggan oo uu la kulmay toddobaad kadib markii Aqalka Cad uu ku dhowaaqay in Turkiga ay ku dhaqaaqayaan hawlgalkooda ka dhanka ah Kurdiyiinyta Mareykanka ka taageeray dagaalka Daacish.

Trump ayaa Isniintii taleefonka kula hadlay madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan iyo Jeneral Mazloum Kobani, oo ah madaxa jabhadda SDF ee ciidankeeda badankood ay yihiin Kurdiyiinta.

Mareykanka ayaa sare u qaaday canshuurta la saaro biraha Mareykanka looga soo dhoofiyo Turkiga, wuxuuna hakiyey wada-hadallada heshiis ganacsi oo ku kacaya 100 bilyan oo dollar oo uu la lahaa Turkiga.

Dhinaca kale, xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay inuu toddobaadka soo socda u safri doono magaalada Brussels, si uu gaashaanbuurta NATO, oo Turkey ay xubin ka tahay, ugu cadaadiyo cunaqabateen ka dhan ah Ankara

 

 

 

Berberatoday.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews