berberatoday.com
Dakhliga Shirkadda Huawei Oo Kordhay Ku Dhowaad 25%
October 17, 2019 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Shirkadda Huawei ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in dakhligeeda sagaalkii bil ee hore ee sanadka uu kordhay rubac, in kasta oo ay wajaheysay cadaadis Mareykanka uu shirkaddan ka goynayo dunida inteeda kale.

Dakhliga Huawei ayaa kordhay 24.4% islamarkaana gaaray 610.8 bilyan oo Yuan, una dhiganta 86.2 bilyan oo dollar, halka faa’iideeda ay korortay 8.7%, sida ay shirkadda sheegtay.

Huawei, oo fadhigeedu yahay magaalada ku taalla koonfurta Shiinaha ee Shenzhen, ayaa ah shirkadda ugu badan ee qeybisa qalabka isku-xirka isgaarsiinta caalamka, halka ay kaalinta labaad kaga jirto soo saarka taleefon gacmeedyada.

Hase yeeshee waxa ay sanadkan cadaadis kala kulmeysay saraakiisha Mareykanka oo dunida ka waday olole ay xulufadooda uga dhaadhicinayaan inay ka fogaadaan qalabka shirkadda, cabsi amni darteed.

Bishii May, Washington ayaa sheegtay inay liiska madow ku darayso Huawei, kana mamnuucayso suuqyada Mareykanka iyo inay iibsato qalab Mareykan ah, inkasta oo laba goor ay muddo 90 malamood ah dib u dhigtay go’aankaas, ayada oo tii ugu dambeysay ay ahayd bishii August.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay in qalabka Huawei ay ku jiraan aalado u ogolaanaya Shiinaha inay ay basaasaan qulqulka isgaariisnta caalamka. Huawei marar badan ay beenisay eedeymahan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews