berberatoday.com
Erdogan Oo Ku Gacan Seeray Baaqyada Caalamka
October 17, 2019 - Written by Berbera Today

Ankara(Berberatoday.com)-Turkey ayaa ku gacan seertay cadaadiska caalamiga ah ee looga dalbanayo inay joojiso hawl-galka militari ee ka dhanka ah Kurdiyiinta ee ciidamadeeda ay ka wadaan Waqooyiga Syria.

Dagaal xooggan ayaa maanta ka socda magaalada xuduudda Syria ku taalla ee Ras a-Ain, ayada oo ciidamada Kurdiyiinta ay isku dayayaan inay sii haystaan magaalada, iskana caabiyaan ciidamada kale ee Syria ee Turkiga uu taageero.

Weriye ka tirsan AFP ayaa sheegay in dagaalka magaalada uu weli socdo, inkasta oo Ankara ay dhowr mar sheegtay inay gacanta ku dhigtay magaalada.

Tan iyo markii dagaalka uu billowda 9-kii October, ciidamada Turkiga uu taageerayo ayaa qabsaday in ka badan 100 km oo dhulka xuduudda ah, hase yeeshee Ras al-Ain iyo Siri Kani ayaan weli gacanta usoo gelin.

Madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan ayaa weriyayaasha u sheegay “waxay na lee yihiin ‘xabad-joojin ku dhowaaqa’. Weligeen xabad-joojin ku dhowaaqi mayno.”

“Insha Allah, waxaan dhowaan gacanta ku dhigi doonnaa dhul ku teedsan Manbij illaa xuduudeenna Ciraq,” ayuu yir Erdogan.

Hawl-galkan ayaa taageero ballaaran ka haysta gudaha Turkiga, halkaasi oo dagaal jabhadeyn ah oo sanado badan ay wadeen Kurdiyiinta dalkaas ay ku dhinteen kumanaan qof.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews