berberatoday.com
Halkan Ka Akhriso Taariikhda Nololeed Iyo Halgan Ee Mujaahid Xaamud Ibraahim Yaasin
October 17, 2019 - Written by Berbera Today

WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO

MUJ XAAMUD IBRAAHIM YAASIIN ( AHN )

Ifkuu Xaamud daariyo
Khaliif doorankiisiyo
Digan baan ku dhaatay

Hadraawi maansadii Daalalay

muj xaamud waxa uu ku dhashay dagmada abdaal ee gobolka saaxil gaar ahaan tuulada ceelcaanood 1958.

xaamud waxa uu ifga kaga tagay hal gabadh ah oo la yidhaahdo amaal xaamud yaraantiisii waxa uu ku soo barbaaray reermiyi waxa uu malcaamada ka galay magaalada barbara.

dugsigii hoose iyo kii dhexeba waxa uu galay ciidanka somaaliyeed waxa uu tababark ku soo qaatay dugsigii mandheera mudayar kadibna waxa loo qaaday dugsigii kamaandawsda ee balidoogle.

waxa uu ka mid noqday qaybta 26aad guutada koowaad waxa uu ka qayb qaatay dagaalkii 1977 ee itobiya iyo somaliya isaga oo da yar markii dagaalkii laga soo noqday mujaahid xaamud waxa uu macalin ka noqday dugsigii mandheera.

Xaamud waxa uu talaabay 1981 kuna biiray jabhadii la odhan jiray 4aad ee daganayd wajaale oo ka amardiiday dawladii somaliya oo ay taliyayaal u ahaayen mujahid maxamed cali iyo mujahid dhxul guutadaas oo ahayd guutadii koowaad ee halgankii snm.

xaamud waxa uu macalin ka noqday dugsigii ugu horeeyay ee hal dufcadi ay ka baxdo ee ku yaalay jinacsalay kadibna waxa uu macalin ka noqday dugsigii kale ee baabuli 1984 waxa uu tababare ka noqday dugsigii awaare oo uu ka bixin jiray duruusda (inventory troops) iyo qoriga loo yaqaano baasuukaha oo lagula dagaalamo baybayga (Anti tank).

waxa uu si fiican u yaqaanay qoriga looyaqaano sabanka xaamud marka uu tababarka bixinaayo waxa uu hal hays u lahaa qoriga sabanku baybayga isagaa ka adag waxa uu qaadan jiray laba qori oo kala ah qoriga sabanka iyo Ak47 waxa kale oo uu qaadan jiray baasdoolad dhabano cas ah oo gal maas ah ku jirta.

maalintii uu shahiiday ee dagaalkii burcoduuray warkii rasaasdu bilaabantay ayuu yidhi snm eey bal eega baybaygaas soo ordaya sida aan u gubo waxa uu gubay laba baybay mid sedexaadna mujaahid kale ayaa gubay.

markaasay snm ku dhiiratay in ay sabanka ku gubto baybayga faqashtii waxay ku dhawaaqayeen waar ninka dila ina laayay ee labada qori sita ee jeemisga xidhan ee ragii iyo babuurtiiba laayay markaas ayaa rasaas badani ku kulantay.

waxa maalintaas shahiiday dhawr iyo konton mujahid oo uu mujaahid lixlena ka mid ahaa markii uu shahiiday waxa labadii qori ka dul qaaday mujahid cabdi jamac xuseen (cabdi shanaad).

waxay ahayd maalin guulna aynu gaadhnay ragna ay inaga dhinteen waa maalintii xabaalo wadareedyo lagu aasay mujaahidiintii shahiiday deegaanka ramaso.

GOBANIMADU WAA GEED KU BAXA DHIIGA GEESIGA

( Cabdoo oo taariikhda Xaamud aan ka helay waan u mahad celinayaa )

Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews