berberatoday.com
Kacdoonka Ka Billowday Dalka Lubnaan Iyo Sababta Uu Ka Bilaamay
October 18, 2019 - Written by Berbera Today

Bairut(Berberatoday.com)-Dibad-baxayaasha dalka Lubnaan ayaa maanta xannibay waddooyinka, ayaga oo gubaya taayaro, xilli ay maalintii labaad wadaan dibad-baxyo ka dhan ah dowladda, sababo la xiriira xasarad dhaqaale.

Dibad-baxyada oo ah kuwii ugu xoogganaa dalka Lubanaan ee muddo sanado ah, ayaa kumanaan qof waxa ay isugu soo urureen dibadda xarunta dowladda ee magaalada caasimadda ah ee Beirut.

Waxay ku guuleysteen inay golaha wasiirada ku qasbaan inay dib uga laabtaan qorshe ay canshuur ugu soo rogi lahaayeen wicitaanka lagu sameeyo WhatsApp-ka.

Gaaska dadka ka ilmeysiiya ayaa sidoo kale la furay markii ay isku dhaceen dibad-baxayaasha iyo booliska.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha yimid xarunta dowladda ee magaalada Beirut ayaa ku hadaaqayey erayo ay ka mid ahaayeen “Shacabku waxay doonayaan in talisku dhaco.”

Wargeyska An-Nahar ee Lubnaan ayaa dibad-baxyada ugu yeeray “kacdoonkii canshuurta”, halka wargeyska al-Akhbar uu ugu yeeray “Kacdoonkii WhatsApp.”

Si uu sare ugu qaado dakhliga, ayaa wasiirka isgaarsiinta Mohamed Choucair waxa uu khamiistii ku dhowaaqay qorshe uu canshuur 20 cent ah uga qaadayo wicitaanada taleefon ee lagu sameeyo Internet-ka, sida app-ka facebook iyo WhatsApp.

Hase yeeshee markii dibad-baxyada ay fideen ayaa waxa uu isla khamiistii wacay warbaahinta una sheegay in qorshahaas laga laabtay.

Lubnaan oo ay la dageen dagaalladii dhacay 1975-kii iyo 1990-kii ayaa waxaa saaran mid ka mid ah daymaha ugu badan caalamka marka loo eego kaalinta saamiya dhaqaalaha dalka.

Kororka dhaqaalaha dalka ayaa waxaa saameeyey xasillooni la’aanta gobolka. Shaqo la’aanta dadka da’doodu ka yar tahay 25 jirka, ayaa ah 37%.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews