berberatoday.com
“ Madaxweyne Erdogan Waa Nin Fariid Ah , Cuno Qabateyntiina Waan Ka Qaadey ..”Donald Trump
October 18, 2019 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bogaadiyay dhigiisa dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, kadib markii xukuumadda Ankara ay oggolaatay inay si ku meel gaar ah u hakiso duulaanka ay ku baacsaneyso Kurdiyiinta ee waqooyiga dalka Suuriya.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayay isu soo bax ka dhacay gobolka Texas ayaa waxaa uu sheegay in wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka, Mike Pence uu u diray dalka Turkiga, ayna guul ka soo hoyeen kulankii ay la yeesheen Madaxweynaha Turkiga.

Trump ayaa Madaxweynaha Turkiga, Erdogan ku tilmaamay nin fariid ah oo aad u fiican.

“Iydoo uusan hal dhibic oo dhiig ah ka daadanin askarta Mareykanka, waxaan dhamaanteen ku heshiinay xabad joojin laga hirgeliyo xadka Suuriya, Turkiga waxaanu ka qaadeynaa cunaqabateynta, Madaxweyne Erdogan na waa fariid oo aad u wanaagsan”, ayuu yiri Trump oo ka hadlayay Texas.

Wuxuu intaa raaciyay in labada dhinac uu Mareykanka saaxiib la yahay, mararka qaar ay wanaagsan tahay in labada dhinac ay dagaalamaan oo aad isku daawato, farahana ka qaado, marka dambena aad kala celiso.

Siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga ayaa Madaxweyne Trump ku dhaliilay cunaqabateynta uu ka qaaday Turkiga, saddex maalin uun kadib markii uu cunaqabateyn ku soo rogay Turkiga, waxaana ay intaa raaciyeen in dhaawac uu soo gaaray sumcadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Sarkaal sare oo katirsan taliska Kurdiyiinta oo lagu magacaabo Mazloum Kobani aya waxaa uu sheegay in ay aqbali doonaan hakinta hawlgalka Turkiga uu ka sameynayo Magaalooyinka Ras al-Ayn iyo Tal Abyad.

Dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa maalin kahor isku afgartay in si kumeel gaar ah loo joojiyo duulaanka Turkiga uu ka wado waqooyiga Suuriya ee uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.

Wargeyska The Foreign policy oo wax ka qora siyaasadaha caalamka ayaa kusoo warramay in heshiiskan uu u muuqdo mid guul weyn u ah xukuumadda Ankara oo waday olole ay Kurdiyiinta kaga xoreneyso xadka ay la wadaagto Suuriya.

Kadib Sagaal cisho oo uu Turkiga duulaan ka waday waqooyiga Suuriya, haatan waxaa uu aqbalay in uu hakiyo hawlgalka mudo dhan 120 saacadood.

Heshiiska ayaa sidoo kale lagu xusay in Mareykanka uu wakhtigaas uu ku daad gureyn doonaa Kurdiyiinta aaga dhan 30 kilomitir oo uu Turkiga doonayo in uu ka sameeyo aag nabdoon.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, Mike Pence oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Ankara ayaa sheegay in marka la daad gureeyo Kurdiyiinta oo ay dowladda Turkiga u aragto inay yihiin argagagixiso, ay xukuumadda Ankara si joogta ah u dhaqan gelin doonta xabad joojinta.

“Dowladda Mareykanka waxay marwalba abaal u heysaa saaxiibadeen SDF, oo ka adkaaday kooxda ISIS, balse sidoo kale waxaan aqoonsanahay ahmiyadda iyo qiyamka ay leedahay aag nabdoon oo laga sameeyo dhulka Kurdiyiinta iyo xadka dalka Turkiga”, sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo sheegay in uu soo diray Trump, si loo dhameeyo qalalaasaha taagan, loona gaaro xabad joojin degdeg ah.

Qaar kamid ah hay’adaha sharci dejinta ee Mareykanka ayaa aad ula yaabay go’aanka Madaxweyne Trump uu ciidamada kaga saaray waqooyiga Suuriya, waxaana qaar badan oo kamid ah siyaasiyiinta xisbiga dimuqraadiga ay shegeen in uu dhaawac soo gaaray sumcadda siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews