berberatoday.com
Maxaad Ka Taqaanaa Maxamuud Daahir Jaamac Oo Guurtidu Ku Soo Badeshay Xubintii Lagu Celiyay. W/Q Cabdilaahi Xasan Cali
October 19, 2019 - Written by Berbera Today

Maxaad Ka Taqaanaa Maxamuud Daahir Jaamac Oo Guurtidu Ku Soo Badeshay Xubintii Lagu Celiyay. W/Q Cabdilaahi Xasan Cali

Maxamuud Daahir Jaamac Oo lagu soo badelay Xubintii la celiyay ee ka mid ahayd Labadii Xubnood ee Golaha Guurtidu keenay ayaa iyadana waxa dul hoganaya Su’aalo badan oo u baahan si fiican in loo darso, taasi oo sababi karta inuu isna salaanka ka siibto ama dib loo soo celiyo marka loo eego sharciga Xulashada Xubnaha Komishanka iyo shuruudahooda.

Inta aynaan u guda galin arimahaasi, horta waa ayo Maxamed Daahir Jaamac?. Maxamuud Daahir Jaamac waxa uu kasoo jeeda Gobolka Sanaag Gaar ahaan Barigiisa. Waxa uu Maxamud ka mid ahaa Masuuliyiintii ka shaqaynayay Jidka Ceerigaabo ee Hay ‘adda Jidadka Somaliland ee Wasaaradda Jidadka “Somaliland Road Authority”.  Waxaa uu ku magacawnaa Maaamulihii mashruucaasi “Project Manager”. Waxa durba soo baxaya jawaabo iyo xogo ku saabsan sababtii Xilka Hay’addaasi  looga eryay. Xogoha laga helayo Hay’adda Wadooyinka ayaa sheegaya in Arimo Musuq maasuq oo aan qarsoonayn looga caydhiyay Hay’addaasi.

Xogahan ayaa sheegaya inuu masuulkani lacag illaa boqolaal kun oo dollar gaadhaysa uu ka dhex saaray mashruucaasi  mudooyinkii u damaysay. Dadka ka agdhaw ayaa sheegaya in lacagtaasi loogu talo galay inuu ku bixiyo dayn dad sheeganayeen balse uu si kale u maamushay taasi oo xogteeda laga heli karo Wasaaradda Horumarinta Jidadka Somaliland oo la sheegay inuu wasiirkan hadda joogaa uu dhacdadan qoraal ka sameeyay uu ku socod siiyay madaxda sare islamarkaana uu sidaasi Xilka uga qaaday.

Arimaha kale ee Masuulkan horyaala ayaa waxa ka  mid ah innaanu Cv-giisa aqooneed wanaagsanayn islarmarkaan dadka lasoo shaqeeyay ama ay meel kusoo wada koreen ay aad ula yaaban yihiin Cv-ga Golaha Guurtidu ku Xushay, taasina noqonayso caqabadaha ugu waa weyn ee horyaala ee ay Golaha Wakiiladdu shaqadooda ka gudan doonaan, islamarkaana ay taageerayaasha masuulkani aad uga wal walsan yihiin.  

Dhinaca kale waxa iyaduna ah caqabad kale oo masuulkani aanu ka gudbi Karin ah inuu ka mid ah Masuuliyiinta heer Qaran iyo Heer Gobol ee Ceerigaabo aadka uga soo ololayay Xisbiga Kulmiye, waxaanay arintani si toos ah uga hor imanaysaa Qodobka 12-Aad ee xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo ka hadlaya Shuruudaha lagu soo xulanayo Xubnaha ka midka noqonaya, gaar ahaan farqadiisa 5-aad, oo Xubnahan ka madax bannaynaya siyaasad iyo Xisbiba. Inta badan Xubnaha hadda loo xulay Komishanka Doorashooyinka Cusub ayaa waxa intooda badan laga shaki qabaa in lasoo celiyo marka loo eego mid waliba iinta uu leeyahay ee ka hor imanaysa Shuruudaha Xeerku dhigayo ee lagu xulanayo Xubnahan.

Ugu dambayn waxa haboonayd in Xubnaha Komishanka loo xulayo lagu saleeyo hanaanka Xulashada Wanaagsan si aanay u barbariiqan islamarkaana aanay wakhti inooga ridin. 

 

W/Q Cabdilaahi Xasan Cali

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews