berberatoday.com
Taajirka Isu Arka Inuu Trump Kaga Adkaan Karo Doorashada Soo Socota Waa Kuma?
November 8, 2019 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Taajirka ganacsadaha ah, Michael Bloomberg ayaa si adag uga fakaraya in uu ka qeybgalo tartanka loogu loollamayo qofka xisbiga Dimuquraadiga ku matali lahaa doorashada soo socota.

Maayarkii hore ee magaalada New York wuxuu walwal ka qabaa in musharrixiinta hadda taagan midkoodna uusan ka guuleysan karinDonald Trump, sida laga soo xigtay lataliyihiisa.

Ninkan oo 77-sano jirka ah waxaa la filaya in isbuucan uu warqad u diro Hordhaca doorashada madaxweynaha ee Dimuquraadiga ee Alabama.

Illaa 17 musharrax oo Dimuquraadi ah ayaa doonaya in foodda ay daraan madaxweyne Trump.

Madaxweyne ku xigeenkii hore, Joe Biden, Elizabeth Warren iyo Bernie Sanders waa kuwa ugu cadcad hadda.

Afti dhowaan la uruuriyay waxaa lagu sheegay in Warren iyo Sanders – oo labada loo arko in dhanka bidix ay u janjeeraan, marka loo eego Biden – ay suuragal tahay in Trump uu dhulka ku jiido haddii midkoodna uu noqdo musharraxa madaxweyne ee Dimuquraadiga.

Illaa iyo hadda, seddax musharrax oo Jamhuuriga ka tirsan ayaa sheegay in Trump ay kula loollamayaan cidda xisbiga mataleysa doorashada soo socota.

Laakiin wax aan suuragal ahayn ayay u muuqataa in Trump ay cidna ka qaadi karto kursiga uu ku matalo Jamhuuriga.

Muxuu sheegay lataliyaha Bloomberg?

War qoraal ah ayuu Howard Wolfson ku yiri: “Hadda waxaan u baahannahay in shaqada aan soo afjarno aanna xaqiijino in Trump afka ciida loo daro.

“Laakiin Mike si joogto ah ayuu uga walaacsan yahay in musharrixiinta hadda is daba ordaya aysan wax fursad ah u haysan in ay ka guuleystaan Trump.

“Iyadoo la qiimeynayo guulihiisa uu gaaray, hoggaaminta iyo awoodda uu u leeyahay mideynta dadka iyo isbedelka, Mike wuxuu awood buuxda u yeelan doonaa in uu hardan adag la galo Trump uuna dhulka ku jiido,” ayuu yiri Wolfson. Madaxweyne Trump oo 73 sano jir ah, illaa iyo hadda kama hadlin arrintaas

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews