berberatoday.com
Shacabka Reer Awdal Oo Garawshiiyo Ka Bixiyay Hadalkii Madaxweyne-Kuxigeenku Kula Garnaqsadey Madaxda dhaqanka!
November 20, 2019 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Guud ahaanba Shacbiga ku abtirsada Gobolka Awdal ha ubadnaadeen Dadweynaha ku nool Gudaha Magaalada Boorame ayaa siweyn uga Garaabey hadalkii uu Dhawaan kula garnaqsadey, Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), Salaadiinta Madaxdhaqameedka, iyo odoyaasha Gobolka ee ku Sahabsanaa Arinta Suldaan Wabar iyo Waliba Mudadii Somaliland jirtey sida ay Reer Awdal uga dhismeen Adeegyadda Aasaasiga u ah Bulshada iyo isdhexgalka Dhaqdhaqaaqyada Ganacsiga ee Dadka Reer Somaliland.

Qeybo badan oo kamid ah Shacabka Reer Boorame ayaa Iyaga oo kooxo kooxo ah Islamarkaana, isugu jira Haween iyo Ragg iyo Qeybaha kala Duwan ee Bulshada Waxa ay Dhamabaalo hambalayo ah iyo Ducoba kaga Dareen Celiyeen Hadalkii uu dhawaan ujeediyay Salaadiinta Waxaaney ugu tageen Madaxweyne kuxigeenka Xarunta Madaxtooyada iyo Masaajidada Magaalada Boorame oo uu Dhamaantood kula Tukadey Dadweynaha Reer Boorame, islamarkaana, uu ku Booqdey Goobaha Adeegyada Bulshada ee Gudaha Magaalada iyo Goobaha Ganacsigaba.

 

Hooyooyinka, Dhalinyarada, iyo Duqeyda Waxgaradka ah ayaa dhamaantood uga mahad Celiyay Taladda iyo Tusaalaha uu ujeediyay Madaxweyne Kuxigeenku Cabdiraxmaan-Saylici Salaadiinta iyo Guud ahaanba Reer Awdal iyagoo ku tilmaamay hadalkiisii mid Xaqiiqda ku qotoma Waxtarna u leh Shacabka, Waxaanay Dareen gaar ah ka bixiyeen qiimaha ay Nabedgalyadu u leedahay Gobol ahaan iyo Bulsho ahaan, taas oo Wakhti Xaadirkan Siweyn looga Wada Dareemayo mudadii Somaliland jirtey,hurumarka ay ka gaadheen Reer Awdal.iyo Sida ay uga doogsadeen dhibaatooyinkii iyo Colaadihii lasoo marey Waxaaney ka Dareen Celiyeen in aanu Suldaan Wabar, Mushkilada uu Wadaa aheyn mid lafihiisa iyo Danta Bulshada mid Wax ugu filan, Balse Wax weyn u dhimaysa Nabedgelyada iyo hurumarka.

Waxa kale oo ay Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ku Tilmaameen in mudadii uu Talada joogay hayeyna Xilka Madaxweyne Kuxigeen ay Ka Gobol ahaan usoo kordheen Faa,iidooyin badan oo lagaga raystey Dhibaatooyin hore uga jirey Gobolka Sida Dhismaha jidka u Dhexeeya Hargeysa iyo Boorame oo doorweyn ka qaatey Koboca Dhaqaalaha, iyo Waliba dhismayaasha kaabyaasha adeegyada Aasaasiga u ah Bulshada Sida Caafimaadka, Waxbarashada, iyo Biyaha oo laga hirgaliyay Guud ahaanba Gobolka.

Gabagabadii Waxey u balanqaadeen in ay barbar joogsanayaan, una muujin doonaan Taageero iyo in ay Wax la qaban Doonaan mudada ay Xilka hayaan isaga iyo Xukuumada uu ka tirsan yahey, Waxaanay ka Codsadeen in ui uga Duceeyo Qabyaalada iyo kala qeybsanaanta Saameynta ku yeelatey Gobolka.

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),ayaa Ku Sugnaa Maalmihii u Dambeeyay Gudaha Magaalada Boorame isagoo Kulano isdaba joog ah la qaatey Guud ahaanba Shacabka Madaxdhaqameedka, Aqoonyahanka, Waxgaradka iyo Ganacsatada  intaba.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews