berberatoday.com
“Waxaanu Rajaynaynaa In Arimahan Taagani Khayr Iyo Is Afgarad Inoogu Dhammaadaan..” Cabdiraxmaan Awcali
November 20, 2019 - Written by Berbera Today

Hargeysa (Ilays-News):- Madaxweyne ku xigeenkii hore Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo ka mid ah Ergada dhex-dhexaadinta ka dhex wada Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dedaalada isu soo dhawaynta ah ee ay wadaan inay ku dhammadaan is afgarad.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali, oo uu Geeska Afrika weydiiyay halka ay arrimuhu u marayaan, wuxuu si kooban u sheegay inuu rajo ku qabo in arrimaha dalka ka taagtaagani ku dhammaadaan is afgarad buuxa,

“Dabcan maanta (shalay), anigu maan joogin,laakiin waxaanu leenahay Afhayeen, waxaana noo Afhayeen ah Faysal Cali Waraabe, oo runtii isaga ayaa noo hadlay, halkay wax noo marayaana ka hadlay, ILLAAHAY xaqa iyo khayrka mar walba ha ina waafajiyo, waxaanu rajaynaynaa in arimahan taagani khayr iyo is afgarad inoogu dhammaadan.”

Geesta kale Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu yidhi  

“ Qadiyadan Komishanka ka taagan  arin khusaysa maaha labada xisbi ee mucaaradka ah waa arin qaran oo u baahan in qaranka oo dhami uu arko oo daafaco sharciga, sharciga ayaanu daafacaynaa, waa tii sida fiican ay inoogu socotay waatii shaydaanku inaga soo dhex galay  shalay, shaydaanka ayaynu naaraynaa,cumaamadii odaynimadaan qaatay oo tii xisbinimada halkan ayaan yara dhigtay, wasirka daakhiliga waanu u tagnay  aniga iyo odayaasha madaxweynayaashii hore  iyo qolada ka socota Akadamiyada, ururadii bulshaduna waa ay nagu jiraan, waxaanu doonaynaa inana qolada Waddanina aanu ka raaridno inay joojiyaan isku soo baxa oo sharcigu uu siinaayo, dawladuna ay soo dayso cidii la xidhay ee xisbiga ahaa, markaas Waddani waanu ka helnay tobankii saaka [shalay] ayaanu la balanay ( doraad) madashiina waa ay noo yimaadeen hadana wasiirka arimaha gudaha ayaanu ku soconaa insha allaah waa uu naga ogolaan doonaa, ergada madaxweynaana jin iyo jaanba waanu isugu tagaynaa.”

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews