berberatoday.com
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni Oo “Is Dhuubaya Iyo Sababta Ku Kaliftay
December 4, 2019 - Written by Berbera Today

Kampala(Berberatoday.com)-Barta bog-ga ee Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa hawada laga saaray ka dib markii lagu daabacay farriin lagu soo bandhigay in uu is caateynayay oo qaabka cuntada uu iska badaly, jimicsina uu sameeyay.

Sidoo kale, wuxuu farriinta ku beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in uu xanuunsaday, wuxuuna tilmamay in uu is caateeyay oo si ula kac ah uu isaga riday xeyrta, sida ay qortay barta wararka Uganda ee Soft Power.

In kastoo aysan caddeyn sababta barta madaxweynaha hawad looga saaray, haddana Soft Power ayaa soo xigatay Museveni oo sheegaya: “Ma aanan daalin, guud ahaan. Aniga ayaa si ula kac ah isu caateeyay oo iska dejiyay cayilkii bedelay qaab-dhismeedka jirkeyga, sababtoo ah dhaqaatiirta si sax ah nooguma aysan sharaxin dhibaatada haddii aan la is caateynin”.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni waa 75 sano jir, wuxuuna xilka hayay tan iyo sannadkii 1986-dii.

Wuxuu madaxweynaha sheegay in ujeedadiisa ay tahay in uu sii ahaado sida hadda uu culeyskiisa yahay ee ah 76kg, taas oo u dhiganta dhererkiisa oo ah 1.7m.

Barta Soft Power waxay sheegtay in madaxweyne Museveni uu sheegay in uu si degdeg ah u billaabi doono in dadka Uganda uu baro dhibaatada uu cayilka u leeyahay caafimaadka.

Yoweri Museveni waxaa lagu garanayaa in uu hab nololeed caafimad leh uu leeyahay, uusanna cabin khariga, weligiisna aan cisbitaal la geyn, sida ay bahisa barta wararka Uganda ee Soft Power.

Waxaa marar badan la arkay madaxweyne Museveni oo shacabka dalkiisa u sheegaya in ay masaafo dheer socdaan, hadalkaasna wuxuu sheegaa markasta oo uu joogo tuulada uu ka soo jeedo ee Rwakitrua.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews