berberatoday.com
Haldoor,Aqoonyahanad,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland ku diirsatay, aqoonteeda, waxqabadkeeda, waxtarkeeda, dadaalkeeda & kartideeda, oo aan taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin! Qoraa: Eng. Mohamed Ali Muse
December 10, 2019 - Written by Berbera Today

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan
walaalayaal meel aad joogtaanba, idinku salaamaya salaanta islaamka ee qiimaha badan, asalaamu calaykum waraxmatu laaahi waba rakaatu. Waxaan  Allaha awoodda
leh weydiisanayaa,inuu idinka yeelo kuwii adduun iyo aakhiraba liibaana,dulmiga ka dheeraada,Qabyaalada iyo urteedana iska fogeeya.

Mujaahidad Faadumo Siciid Ibrahim halgankii, tacabkii, waxtarkii,aqoontii,dedaalkii,xoogii, kartidii iyo juhdigii ay ku bixisay dalkeeda hooyo ,maaha mid
qoraal keliya lagu soo  koobi karo.Waxaana biyo kama dhibcaana,in taariikhda ma guurtada ah ee Qaranimada Somaliland, ay baal Dahaba  kaga qoran tahay.Sidaa
awgeed,Haldoor,Aqoonyahanad,mujaahidad, Faadumo Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland ku diirsatay, aqoonteeda, waxqabadkeeda, waxtarkeeda,
dadaalkeeda & kartideeda, oo aan taariikdeeda Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin!.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo ka madhan,kana han weyn,kana fayaw ,cudurka dilaaga ah ee Soomaali dhamaanteed naafeeyey,ee qalbiga iyo quluubtooda
degay,ee Qabyaaladda,sidii Dukhsigana Saxarada dul fadhiya.Qabyaaladu,waxay sabab u noqday inay is gumaadaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday in dhiiga walaalkood
ay si macno darro ah habeen iyo maalin u daadiyaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday inay qayrkood gacmaha u hoorsadaan,Qabyaaladu,waxay sabab u noqday in loo
yeedhiyo,oo aanay iyagu iskood waxba u qabsan karin. Balse,Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa sida shimbirka Gorgorka,ee hawada sare duulaya,ee neecawda
udgooniyo daruuraha isku gaalaa bixinaya!…Eesh qiyaasak,Geesiyad aan la haybsan karin iga dheh!

Rabigeen Tabaarka Watacaala,kownkan markuu abuuray,isagaa qaybshay, kala qorsheeyey, waxaanu kala fadalay Aadamaha,isagaanay  gaar u tahay inuu qofkuu
doono ciseeyo,karaameeyo,sharfo,kor u qaado, kuu doonana duleeyo,waana sunan Rabbaniya,oon laga talaabsan karin.Sidoo kale,Rabigeen Tabaarka Watacaala,wuxuu
inna faray in haddii aad himmo sare la timaado,oo aad rabto inaad meel sare gaadho,waa in aad dadaal la imaado, Rabigaana aad talo saarato,midhaha ka soo
go’ana aad ku qanacdo.

Walaw aan laga gayoonayn,lana soo koobi karin,badweynta sooyaalka nololeed iyo taariikheed ee Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waxaan haddii Allaha awooda lihi
uu nafta igu simo,aan isku deyi doonaa inaan wax yar idiinka bidhaamiyo.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,maaha mid halgankeedu maanta bilawday, balse wuxuu soo taxnaa tan iyo  bilwgii dib u xorynta dalka Jamhuuriyada Somaliland. Waqtigaa waxaa ay ku sugneyd dalka Ingiriiska,oo ay ku soo bar baartay,waxbarashadana ilaa heer Jaamacadeed ku dhameysatay. Waxay ka mid ahayd Mujaahidintii juhdiga badan ku bixiyay sidii duunyo loogu ururin helaa ,looguna taageeri lahaa halganka dib u xoreynta,isla markaan mujaahidiinta dhaawacma loo keeni lahaa dhakhtarada dalka Ingiriisa si loogu daweeyo.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,intaas oo keliya kuma ay koobnayn,ee iyadoo aqoonteeda adeegsanaysa , waxay ka mid ahayd Mujaahidintii indhaha Caalamka iyo
Saxaafada ku soo jeediyey,ee Tooshka ku ifiyey dulmigii iyo dagaalkii ciidamada Siyaad Barre ku xasuuqayeen shacabka,iyagoo adeegsanaya Diyaaradaha iyo Taangiyada .Taasi waxay sabab u noqotay, dhabarka & adhaxdana ka jebisay xukuumadii Daalinkii Siyaad Barre,ka dib markii dawlada Ingiriisku albaabada isugu dhufatay Safaaradii Somaliya, Quful weyna ka laalaadisay.

Rabigeen Tabaarka Watacaala ,wuxuu inna faray inaan isku naxariisano,si uu inoogu naxariisto,oo uu innogu furo nimcooyinkiisa aan dhamaadka lahayn iyo albaabadiisa
aan la xidhin.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo aad u naxariis badan,waxaana markhaatii  ma doonto ah sidii ay uga damqatay,uga gilgilatay, uga dhiidhiday,
dhalinyarada gaajada iyo qabawga dhaxanta la nool,ee ehelka u noqday darxumada iyo leeleelka nolosha darran ,ee daadsan darbiyada magalaada Hargeysa.Way

ururisay,una sameysay Xarunta Darbi Jiifka,iyadoo la kaashatay  maalqabeenada waaweyn ee Somaliland,sida Maxamed Aw Siciid,Dahabshiil iyo Telesom.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waxay cod u tahay inta aan codka lahayn ee jilicsan,waxay cod u tahay ma yeedhaanka, waxay cod u tahay inta gaajo darteed
beerka dhulka ku haysa een awoodi karin inay luqmad ay gaajada iskaga reebaan iibsadaan,waxay cod u tahay hooyada aan awoodi karin inay dhariga u dha
dhaarto caruurteeda dhalaanka ah,waxay cod u tahay masaakiinta soo ootay,een biyo yar oo ay ku jeel baxaan heli karin.

Lagama gayoonayo badweynta sooyaalka taariikheed iyo nololeed ee Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim ,ee bal mar kale aan soo dul xaadiyo:

• Waxbarashada dugisiga Hoose,Dhexe,sare iyo Jaamacada,waxay ku qaadatay  dalka Ingiriiska
• waxay ka soo shaqaysay Hay’ada Marayakanka ee USAID
• Waxay ka soo shaqaysay Hay’ada Qaramada Midoobay ee UNDP
• Waxay hindistay,hir galisayna Kuliyada Badda ee Berbera
• Waxay hindistay in la helo Ciidamada Ilaalada Xeebaha
• Waxay Hindistay,in Dumar Boolis ah oo tababaran ay Somaliland yeelato
• Waxay aasaastay,Guddomiyana ka noqotay Ururka horumarinta bulshada ee  ODHA
• Waxay sameysay Hay’ada Xuquuqul Iinsaanka Somaliland
• Waxay sameysay Xarunta Darbi Jiifka ee Hargeysa
• Waxay soo qabatay xilka Xoghayaha Maaliyada ee Xisbiga UCID
• Waxay soo qabatay Xilka La-Taliyaha Arrimaha Dibada ee Xisbiga Waddani
• Waxay soo qabatay xilka Xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbiga Waddani
• Waxay hir galisay mashaariic badan oo aan halkan lagu soo wada koobi karin

Aan ku sidko, kuna lingaxo,dadaalka iyo kartida ay Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim muujisay,suugaanteena hodanka ahna bal aan dhex mushaaxo,soona xusho
tuduc ka mid ah gabay uu tiriyey,Rabbi naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiyee,Gabayaagii weynaa,Halyeygii,Cabdillahi Suldaan Maxamed (Timacade).
Waxaa uu ku iftiiminayay inaan  fadhi iyo fuud yicibeed laysku  heleyn, balse hadaad rabto inaad meel sare gaadho,oo amigaaga,hiigsigaaga,himiladaada,yoolkaaga
iyo rabitaankaaga,aad ka midho dhaliso,waa inaad isku diyaariso,una sahay qaadato safar dheer,adkeysina u yeelato qodaxda iyo qocondhada,abriska iyo abeesada
teedsan mugdiga iyo qudcurka habeenka ee darbiyada kuududa…Waxaanu yidhi :

* Lama helo wadaadow
* waxaan cidi ku hawshoone
* naftaa loo hantaaqaa
* waxay hiigso leedahaye

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waxay ka mid tahay shaqsiyaadka faro ku tiriska ah, ee dalkani wax ku yahay,qalbigeeda iyo dhiigeedana ay ku mudan tahay tacabkii
iyo dhibtii dalkani loo soo maray,ee hooyooyin curadoodii ku waayeen,lana qiyaasi karin inta geesiyaal naftoodii ku bixiyey.Waa Marwo ka shaqeysa walaaltinimada
shacabkeeda ,isku soo dhaweyntooda,jecelna wada jirkooda,wada noolaanshahooda,iyo inay Qaranimadoda ilaashadaan,una midoobaan Cadawga gudaha iyo ka dibadda, ee
habeen & maalin ku foogan burburka Jamhuuriyada Somaliland.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,magaca,sharafta,cisiga iyo karaamada ay maanta ku dhex leedahay bulshada iyo Qaranka Somaliland,maaha mid  dheel dheel iyo
ciyaar ku timid,kamaney helin Buurta Laalays dusheeda iyo Banka Beeraha ee Tog-wajaale toona, balse waxay ku bixisay Aqoon,maskax,tacab,fikir saliima,waqti
badan,soo jeed iyo nafteeda oo ay u hibaysay sidii dalkeeda hooyo,oo ay wax walba ka jeceshahay,uu u  noqon laha Xiddig ka dhex ifaysa mandaqada Geesa
Afrika….Eesh qiyaasak…Geesiyad qayrkeed hayaamoo,Dayaxa hiigsanaysa iga dheh!.

Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim,waa Marwo qiimo badan,GOBA,agtadaydana qadarin, sharaf,cisi iyo karaamo ku leh.Waxaan Allaha awooda leh,ee ay Kownkan gacantiisa
ku jirto aan uga baryayaa,in intay addunkan korkiisa joogtana,inuu caafimaad & cimri barakaysan ku arsaaqo,dad iyo duunyana barakeeyo.Maalinta ajashu ku timaadana,inuu Rabbi ku daro adoomada uu raaliga ka noqday,ee Jannatul Fardawsa lagu casuumo, Nabigeenii suubanaa ee Maxamedna (CSW), jaarkiisa ka yeelo,aamiin
yaa Rabbi.

Guntii iyo gaba gabadii,badweynta Sooyaalka taariikheed & nololeed,ee Mujaahidad,Faadumo Siciid Ibrahim, maaha mid laga gayoonayo,laguna soo koobi karo qoraal
keliya,sidaa awgeed,waan ku hambalyeyenayaa,waanan uga mahad celinayaa waxtarkeeda muuqda,waxaanan leeyahay: Haldoor,Aqoonyahanad,Mujaahidad,Faadumo
Siciid Ibrahim,waa Cadceed ay Jamhuuriyada Somaliland ku diirsatay , aqoonteeda, waxqabadkeeda, waxtarkeeda, dadaalkeeda & kartideeda, oo aan taariikdeeda
Dahabigaa cidna sacab ku qarin karin!

Waa inoo qormo danbe oo xiiso leh,waxaanan idinku dhaafayaa Hees wadaniya,farsamadii iyo isku duba ridkii,Dr.Mahdi Jaamac Rooble,Bahda TNN,UK.
https://www.youtube.com/watch?v=eRSgOyO7Ojs


Qoraa: Eng. Mohamed Ali Muse
Senior Certified Network Specialist
| CNA | CCNA | FCNSA | MCP | A+ |

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews