berberatoday.com
Guddi Ansixiyey Qodobada Xil-Ka-Xayuubinta Madaxwne Donald Trump
December 14, 2019 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ee ay maamulaan dimoqraadiga ayaa maanta ansixiyey eedeymaha ku saabsan ku-xadgudubka awoodda iyo is-hortaagga ee ka dhanka ah madaxweyne Donald Trump.

Tallaabadan ayaa xaqiijin doonta in Trump, oo Jamhuuri ah, uu noqdo madaxweynahii saddexaad ee taariikhda Mareykanka ee xil-ka-xayuubintiisa la dalbo.

Guddi hoosaadka garsoorka ayaa maanta codkan ku meel-mariyey, ayaga oo ay isku wada raaceen dimqoraadiga, halka Jamhuuriguna diideen.

Eedeymaha ku saabsan ku xad-gudubka awoodda ee ka dhanka ah Trump ayaa la xiriira inuu ku cadaadiyey dalka Ukraine inay baaritaan ku sameeyaan Joe Biden, oo ah dimoqraadi ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada 2020.

Guddiga ayaa sidoo kale ansixiyey qodob labaad oo lagu eedeeyey Trump, oo ah inuu is-hortaag ku sameeyey baaritaanka congress-ka uu ku sameynayey fadeexadda.

Madaxweyne Trump waa uu beeniyey eedeymaha loo jeediyey, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaad ka dambeyso.

Aqalka Wakiilada oo dhan, halkaasi oo dimqoraadiga ay aqlabiyad ku leeyihiin, ayaa la filayaa inay toddobaadka soo socda ansixiyaan eedeymaha ka dhanka ah Trump, taasi oo soo geba-gebeyn doonta hanaanka xil-ka-xayuubinta, una diri doonta Trump inuu hor-tago maxkamadeynta Senate-ka, toddobaadyo gudahood.

Si kastaba, Senate-ka oo ay maamulaan Jamhuuriga, ayaan la fileyn inay madaxweynaha ku helaan dambiyada lagu eedeeyey kana saaraan xafiiska.

Source: Reuters

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews