Puntland Oo Go’aan Ka Nixiyay Farmaajo Ka Qaadatay Sharciga Doorashooyinka Somalia
December 15, 2019 - Written by Berbera Today
Garowe(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada-tashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna aysan Puntland qeyb ka-noqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato
“Hadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter-keeda waa in uu xidhaa, hadii la leeyahay ma xidhmi karo, hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihin xaal-mastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,” ayuu yidhi Deni.