berberatoday.com
Gool Haye Alison Becker Iyo Roberto Firmino Oo Ku Guulaystay Xiddigaha Ugu Fiican Dalka Brazil
January 3, 2020 - Written by Berbera Today

Rio Dejinero(Berberatoday.com)-Goolhayaha kooxda Liverpool ee Alisson Becker ayaa ku guuleystay abaal-marinta Samba d’Or Award ee ciyaartoyga ugu fiican laacibiinta u dhashay waddanka Brazil, waxaana kaalinta labaad galay Roberto Firmino.

Alisson oo Liverpool kula guuleystay tartanka Champions League xili ciyaareedkii hore, sidoo kalena qayb libaax ka qaatay bandhiggii cajiibka ahaa ee kooxdiisu ay qaybtii hore ee xili ciyaareedkan kusoo xidhatay hoggaanka horyaalka Premier League , ayaa waxa uu helay 35.54 boqolkiiba codadkii lagu dooranayay laacibka ugu fiican ee la guddoonsiinayo abaal-marinta Samba d’Or Award, waxaana uu farqi aad u weyn ka sarreeyey Roberto Firmino oo helay 23.48 boqoliiba.

Becker oo ka sokow saddexda koob ee Champions League, UEFA Super Cup iyo Club World Cup ee uu la qaaday Liverpool, xulka qarankiisana ka caawiyey inuu ku guuleysto Copa America, ayaa waxa kaalinta saddexaad uu u diray difaaca Paris Saint-Germain ee Thiago Silva, halka uu kaalinta afraadna soo cidhiidhsaday kubbad burburiyaha Liverpool ee Fabinho.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews