berberatoday.com
“Marka Adeegga Aad Bixiso Lacagta Dawladda Ee Ummadda Ka Dhaxaysa Si Hagar La’Aan Ah, Wax Lagaaga Iibsado, Dee Dadka Ka Xishood Oo Dhoolatuska Ha Dhaafin Xadkiisa”Profesor Cabdi Cali Oo Fariin Culus Udiray Mulkiilaha Sagaljet Cabdi Yuusuf Aar
January 12, 2020 - Written by Berbera Today

“Marka Wasiir Kasta Iyo Masuul Kastaa Ku Ogyahay In Aad ka Ag Dhawdahay Awoodda, Ee Uu Isagu kula Hor Cararayo Ee Uu ku Odhanayo Annagana Noo Soo Samee, Lacagtana….Prof Cabdi Cali,

Hargeysa(Berberatoday.com)-Prof CabdiCcali Jaamac oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ee sida joogtada ah u falanqeeya siyaasada dalka, xukuumada madaxwayne biixi Aalaaba dhaliilaha culus usoo jeediya ayaa si maldahan uweeraray maamulaha shirkada sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar, isagoo soo bandhigay sida xukuumadu usiiso qandaraasyada iyo daabacaadaha iyadoo loogu habranayo awooda ayuu ka dhow yahay.

Prof Cabdi Cali Ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga ayaa wuxu  udhigaan Sidan;

Afeef: Ha Reerayn Sheekada; Reerka Oo Dhan Adiga Iyo laba Saddex Mooyee Cid Kale Oo Awoodda Ka Ag dhaw Ma Jirto, Dadka Kale Ayay Ula Siman Yihiin!!!Prof cabdi cali.

Marka Adeegga Aad Bixiso Lacagta Dawladda Ee Ummadda ka Dhaxaysa Si Hagar la’aan ah Wax Lagaaga iibsado/dalbado; marka xataa iyada oo aanay daruuri ahayn marmarsiiyaha ugu yar lagaaga dalbanayo intaasoo adeeg ah, ee lagu odhanayo soo samee; marka wasiir kasta iyo masuul kastaa ku ogyahay in aad ka ag dhawdahay awoodda, ee uu isagu kula hor cararayo ee uu ku odhanayo annagana noo soo samee, lacagtana si dhaqso ah aad u helayso, ileyn darkii baa laguu fadhiyaaye; dawladdu ninkay u cammirto ee u gacal miisto nin Economist ah uun baa garanayee waa iibsadaha ugu wayn, beeb xaawisi inoo soo galay halkaana waa la hubaa, degdena weelku u buuxsami!!. Ma aha musuqu kaliya lacag toos loo qaato uun!!

Haddaba, haddii ay sidaasi dhacdayba, waxa qoraalkan igu kallifay, dee dadka ka xishood oo dhoolatus ka ha dhaafin xadkiisa, ummadan ha isku soo jeedin; hadda waa iga talo; in macquul ah uun ka dhig dabaaldegga!!; ha noo sheegin in aad shaqaysatay waxan oo xoolo ah, ileyn salli baynu ku wada fadhinaaye. Haa meeshu way jirtay, oo dafiri mayno; waanay dhici kartaa in business sidan oo kale u koro muddo kooban iyadoo aaanay dawladdu gacan qaban; laakiin tan waa la ogyahay in iyadoo xataa aan loo baahnayn la idin ka dalbado, ama marmarsiiyaha ugu yar la raadiyo si qiil loogu helo in lacag badan lagu gato adeegiina; maan sheegin hay’adaha samafalka iyo ganacsatada idiin habranaysa, ileyn awooddi ayaad ka ag dhawdihiine!!

Dhinaca kale, bal ka warran muwaadinka sidaa lidkeeda dawladdu ku samayso ee la target gareeyo badeecaddiisa ama adeeggiisa, ka warran dhaawaca so gaadhaya iyo khasaaraha ku iman kara!!

Prof Cabdi Cali jaamac; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga!!

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews