berberatoday.com
Dawlada Itoobiya oo Ka Hadashay Farriin Qaramada Midoobay Gaadhsiisay Madaxweyne Biixi
January 20, 2020 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in  wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey Danjire James Swan uu farriin gaar ah gaadhsiiyey madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi.

Wasaaradda ayaa warkan ku sheegtay warbixinta toddobaadlaha ah ee ‘Week In the Horn’ oo ay wasaaradu soo saarto jimce kasta, waxaanay sheegtay in James Swan, oo 10-kii bishan Jeenaweri booqasho ku yimid Somaliland uu madaxweynaha u sheegay farriin sheegaysa in Qaramada midoobey ay taageerayso hindise ujeedadiisu tahay; in kalsooni laba geesood ah laga dhex abuuro Somaliland iyo Soomaaliya. Isla markaana la dhiirrigeliyo wada hadalladii u dhexeeyey labada dhinac.

Warbixin ay wasaaraddu kaga warramaysay xaaladihii u dambeeyey ee gobalka Geeska Afrika, ayaa waxay  ku sheegtay in ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobey uu sida oo kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gaadhsiiyey, in Qaramada Midoobay ay soo dhoweynayso hindiseyaashaas lagu dhisayo kalsoonida labada dhinac iyo wada hadallo ay bilaabaan Hargeysa iyo Muqdisho.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey ayaa warsaxafaadeed uu soo saaray intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay isla arrintan, laakiin tafaasiil kama uu bixin hindisaha wadahadallada cidda wadata iyo waqti cayiman oo la fili karo in ay bilowdaan, sida oo kale ma’ uu sheegin in Qaramada midoobey ay iyadu wadahadallada dambe maamuli doonto.

Dhinaca kalana warka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay lixdii nin ee ay xukuumadda Somaliland ku fulisay xukunka dilka ah toddobaadkan  in ay ku jireen laba xubnood oo lagu helay dembiyo la xidhiidha argagaxiso, laguna eedeeyey in ay xubno ka ahaayeen ururka Alshabaab. Laakiin may sheegin magacyada labada nin iyo kiisaska tooska ah ee lagu eedeeyey.

15-kii bishan Jeenaweri ayaa ay xukuumadda Somaliland xukun dil qisaas ah ku fulisay lixda marxuum.

War ay xeerilaalinta guud ee Somaliland isla maalintaas ka soo saartay dilka xukunsaneyaashaas, ayaa ay ku sheegtay magacyadooda iyo magacyada lixda qof ee ay maxkamaddu ku heshay in ay dileen.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews