berberatoday.com
“Dad Ayaa Diyaarad Lagu Garaacay Gobolada Waqooyi Run Weeye, Dad Ayaa La Laayay Run Weeye, Laakiin Dal Kasta Oo Adduunka Midnimadiisa Wixii Uu Ku Ilaalin Karo Waa Sameynayaa Waana Sax In La Duqeeyo Gobolada Waqooyi”Janaraal Cabdiraxmaan Guulwade
January 22, 2020 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaankii ku qaaday Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Jen. Guulwade oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilligii ay dhaceysay dowladdii Milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sheegay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada wixii Laysku Odhan Jiray Somaliweyn.

Waxaanu Yidhi Cabdiraxmaan Guulwade

“Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo, madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas’uul ka tahay madax banaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho” ayuu yiri Jen. Guulwade Wareysi uu siiyay Barnaamijka Garnaqsi ee soo saaraha ka yahay Wariyaha rug-cadaaga ah Yuusuf Xasan oo ka baxa Shabelle TV.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews