berberatoday.com
Wasiir Cabdilaahi Abokor Oo Sheegay Inay Xukuumadoodu Ka Jeesatay Muranka Doorashooyinka Oo Laba Sano Oo Wakhti Ah Ka Cunay
January 22, 2020 - Written by Berbera Today
“ Madaxweynuu dalkaba isaga ayaa xukuma ee yaa uu ka aarsanayaa, cid uu ka aarsanayaa ma jirto”

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka gaadiidka Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in xukuumadooda uu buuqa siyaasiga ah ee dalka ka jiray uu ka riday mudo laba sandood ah isla markaasa ay hada isla qaateen inay ka jeestaan arimaha doorashooyinka.

Waxa uu wasiir Cabdilaahi Abokor xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ku eedeeyay inay doorashada iyagu diidan yihiin, waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay tilifishanka Sahan waxaana isaga oo ugu horayntii wax laga waydiiyay hadalkii hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali sida uu u arko, waxa uu yidhi “ Madaxweynuu dalkaba isaga ayaa xukuma ee yaa uu ka aarsanayaa, cid uu ka aarsanayaa ma jirto, waa nasiib daro in aanu dalka doorasho ka dhicin labadaas sanadod  labadaas sanadood iyo imikana in aanay doorasho ka sii dhicin anigu waxaan u aaneeyaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, sababta oo ah laba sanadood ayuu inagu eryanaayay  nimankaas komishanka ah waxba doorasho noo qaban maayaan, marka uu wakhtigoodii dhamaadayna waxa uu yidhi iyagii dib haloosoo celiyo waxa ay ku tusaysaa in aanu jirin qorshe siyaasadeed oo xisbigaasi uu leeyahay, wax mucaarad mooyaane.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Anaga marka xilka naloo doortay waxa nalaga sugaayay waa shaqo, kow waa in sare loo qaado dhaqaalihiisa  si hoos loogu dhigo faqriga inaan shaqo abuur samayno iyo in la’la dagaalamo qiima dhaca lacagta, in sare loo qaado wax dhoofinta oo hoos loo dhigo waxa la soo dhoofsanaayo si dadka dakhligoodu uu sare ugu kaco iyo inay dadku helaan adeegyo bulsho.”

Wasiir Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay in ay dawladu haatan ka jeesatay arimaah doorashoyinka oo mudo laba sanadood ah ka riday“ Waxyaabaha caqabada ah ee mar walba doorashada hortaagan anigu waxaan is leeyahay waa xisbiyada mucaaradka ah oo aan diyaar u ahayn in dalka ay doorasho ka dhacdo oo aynu buuq siyaasi ah ku jirno, markaas xukuumadu waxay garatay in aanay ku mashquulin  buuqaas siyaasiga ah sababta oo ah laba sanadood ayay inaga riday saddexda sanadood oo kalena buuq siyaasi ah ku jiri kari mayno, imika waxaanu ku aadanahay sidii  horumar dalka loogu samayn lahaa, taas ayaa sabab u noqotay in gobalka Sanaag bishii ugu danbaysay in ka badan toddoba mashruuc  oo horumar ah laga dhagax dhigo oo ay ka mid tahay gurigii martida,xafiiskii xeer ilaalinta,garoonkii kubada, dekeda Maydh, wada Tabca oo qalabkeedii la keenay dhaqalena loogu talo galay,dawladu waxay ku mashquulsantahay horumar laakiin siyaasad madhalays ah iyo doorasho laba sanadood oo ah hore inaga lumisay hadana maalin  kasta aan ku murano miisaaniyadana waa ay ugu jirtaa maalintay u soo diyaar garoobaan waa wax la wada qabanaayo oo dawladu kaligeed qaban mayso doorasho hadaanay iyagu diyaar u ahay, laakiin doorasho madhalays ah  oo la odhanaayo kii hore ayaan jecelnahay ee kan danbe naga celiya, hadii doorasho diyaar loo yahay dawladuna waa u diyaar.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews