berberatoday.com
Ciidamo Jabuuti Loogu Soo Tobabaray Madaxtooyada Jsl Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay.
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

Hargaysa(Berberatoday.com)-Askar ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Somalland ayaa soo dhammaystay tababar uga socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Tababarkaas oo ay wada qaadanayeen askar ka tirsan ciidamada Jabuuti,ayay kaalmo muuqda oo sare ka galeen asrkarta ka socotay ciidanka illaalada madaxtooyada Somaliland.

Taliska  Ciidanka   Ilaalada  Jamhuuriga  ee  dalka    Jamhuuriyadda  Jabuuti  ayaa  tababar   muddo  labo  bilooda    uga   socday   dalka  jabtuuti    usoo  xidhay  15  Askari oo   ka  tirsan  Ciidanka  Madaxtooyadda  Jamhuuriyadda  Somaliland   muddo  uga  socday.

Munaasibad     lagu  soo  xidhayay  Tbabarkan  ayaa  waxa  ka  soo  qayb  galay  Taliyaha  Ciidamada  Ilaalada  Jamhuuriga  Jamhuuriyadda  Jabuuti  Kornayl    Maxamed  Jaamac  Ducaale  Taliyaha  Ciidamada  biyas  ee   Cali  Sabiix Kornyl   Cabdiwaasac   Maxamed    Safiirka  Somaliland  u  fadhiya   dalka  Jabuuti   Cabdifataax     Siciid  Axmed   Agaasimaha  Madaxtooyadda  Somaliland  Maxamed  Cali  Bile  Wasiirkii  hore  ee  Wasaarada  Caafimaadka Somaliland  Saleebaan  Ciise   Axmed  Xaglotoosiye  iyo  Saraakiil  ka  tirsan  Ciidamada  Ilaalada  Jamhuuriga  dalka  Jabuuti.

Taliyaha  Ciidamada     Ilaalada Jamhuuriga  Jabuuti  Kornyl  Maxamed  Jaamac  Ducaale  ayaa    halkaasi  Shahaadooyin ku   Guddoonsiiyay  askartii   Ciidanka  Ilaalada  Madaxtooyadda  Somaliland   ee   kalmaha  hore  ka gashay  tababarkan  intii  uu socday.

Agaasimaha  Tababarada  Ciidamada  Jamhuuriga  ee dalka  Jabuuti  Maxamed  Axmed  Xasan  oo  Xidhitaankii  Tababarkan    ka hadal ka jeediyay  ayaa ka waramay  waxyaabihii  lagu  tababaray  askarta  ka  socotay  Ciidanka  Ilaalada  Madaxtooyadda  Somaliland.waxaanu  yidhi“Farxad wayn  ayay  noo  tahay  in  aan  ka  soo  qayb galno    Tababarkii    loo  fidinayay  15  Askari  ee  ka socday  Ciidanka  Ilaalada  Mdaxtooyadda  Somaliland    oo  Maanta(Khamiistii)  la  soo  gabogabeeyay, kaas  oo  ku  sahabsanaa  sidii  loo  sugi  lahaa  ilaalinta  madaxda sare  waxaanu  socday  tababarkani  mudadii  u dhaxaysay  Nofember   ilaa  23  bishan  January  ee  sannadka   2020   waxaana  tababarkan  lagu  fidinayay  xarunta  Ciidamada  dalka  Jamhuuriga      oo ku  yaala  Gobolka  Cali  Sabiix.kaas  oo  lagu  tababarayay  laba  qaybood  oo  kala  ahaa    dhismaha  jidhka  ee  lagama  maarmanka  u ah dhamaan  askarta,qaybta  labaad  waxaa lagu  tababarayay  oo  lagu  xoojinayay   Ilaalinta   Shakhsiyaadka sare  ee  madaxda   ah  oo  lagama  maarmaan  u  ah  xirfada  amniga  aqoonta  aasaasiga ah  iyo  ka  hortaga  waxyaabaha  qarxa  waxaana laga  faa’iidaaystay  waxyaabo  badan,”.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews