berberatoday.com
Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Caydhiyey Markab Xadhig Isgaadhsiineed Kasoo Jiiday Djibouti Oo Ku Soo Xad-gubay Biyaha Somaliland
January 25, 2020 - Written by Berbera Today

“Markabkaasi  wuxuu soo galay biyaha Somaliland meelo kamida. waanu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka,.” Taliye Cumar Caadil Qalinle

Saylac(Berberatoday.com)-Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa howlgal socday in ka badan 48 saacadood oo ay ka sameeyeen Xeebaha galbeedka iyo Waqooyiga kaga hortegay Markab jiidayey xadhig nooca Isgaadhsiinta xambaara oo laga leeyahay Dalka Djibouti, kaasoo la doonayey in sifo sharci darro ah lagu mariyo biyaha Somaliland, iyadoo loo jeediyo dhinaca Soomaaliya.

Mashruuca xadhiga Internet-ka ee  DARE1  oo todobaadkii hore lagu daah-furay dalka Djibouti, isla markaana qaybta la geynayo Soomaaliya ay saami ku leeyihiin Shirkaddo Somaliland laga leeyahay, ayaan wax heshiis ah  ama isfahama ilaa hadda inta la ogayahay aanay ka gaadhin labada dawladdood ee Somaliland iyo Djibouti, taasoo ah sababta ay Ciidamadda Illaalada Xeebuhu isu-hortaageen, una celiyeen.

Markabkan xadhigga jiidaya ayaa sida la sheegay ka dhego-adaygay amar ay Ciidanku siiyeen markii uu soo galay Xadka biyaha Somaliland, kuna jawaabay cabsi gelin iyo in ay illaalada la socday Rasaas Cirka u ridaan, iyagoo ku baqdin gelinaya Ciidanka.

Saraakiisha Ciidanka Illaalada Xeebaha oo Wargeyska Dawan faahfaahin ka siiyey sida uu u dhacay howlgalka ay ku joojiyeen markabkaasi, ayaa sheegay in ay  iyagoo dhowraya ama tix-gelinaya  masaaliixda Siyaasiga ah iyo xidhiidhka labada dawladood ka dhexeeya  ee wanaagsan ay wakhti dheer digniin siinayeen Markabkaasi, isla markaana aanay wax jawaab ah ka bixin Rasaasta laga rigay. hase ahaatee markii uu ka joogi waayey xad-gudubka uu sameeyey ay talaabo ka qaadeen, kuna celiyeen xaggii uu ka yimi.

“Markabkaasoo ka soo dhaqaaqay dalka Djibouti oo jiidayey Xadhig Cable ah , wuxuu biyaheena meelo kamida ku soo galay si aan sharci ahayn oo aan laga wada hadlin oo sharci darro ah, markaa Markabkaasi  wuxuu soo galay biyaha saddexaad iyo Biyaha labaad ee Somaliland meelo kamida. markaa Ciidanka ayaa dhowr jeer is-hortaagay, markaa wuu iska dhego mariyey amarkii Ciidanka, rasaasbaanay cirka u rideen Ciidankii Saarnaa.”sidaasi waxa Dawan u sheegay Taliyaha Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Saldhiga Saylac Cumar Caadil Qalinle oo khadka Telefoonka ee Magaaladaasi noogu waramay Xalay.

Taliye Caadil, ayaa intaasi ku daray in ay niskii dambe ee habeen hore  Ciidanku soo gebagebeeyeen howlgalka ka dhanka ah Markabkaasi, kuna guulaysteen in ay ka saaraan soonaha Biyaha Somaliland.

Waxaanu yidhi “markaa xalay goor ay saacadihii dambe ahayd, ayaa lagu guulaystay in laga leexiyo wixii Biyaha Somaliland ah oo loo leexiyo Biyaha Caalamiga ah, markaa halkaas ayey howshu ku dhamaatay”.

Geesta kale, Saraakiisha Saldhiga Ciidanka Xeebaha ee Berbera oo aanu iyagana la xidhiidhnay, ayaa sheegay in howlgalkaasi uu ku dhamaaday si nabad-gelyo ah, kana hortageen Markabkaasi meel qiyaastii magaalada Berbera u jirta 40Mile oo ah jihada Waqooyi galbeed, halkaasoo ay ku joojiyeen markabka iyo xadhigii uu jiidayeyba.

“Markabkaasi kolay wuxuu u jahaystay xagga Yemen oo aanu filayno in uu qabtay, laakiin annagu waxaanu dib uga celinay xad-gudubkii uu ku soo sameeyey biyaha Dalkeena”ayuu yidhi Sarkaal ka tirsanaa Ciidankii howlgalkaasi ka soo noqday oo shalay soo gaadhay Taliska Ciidanka ee Berbera.

Wasiirka Boosaha, Isgaadhsiinta iyo horumarinta Tiknoolajiyada Jamhuuriyada Somaliland Cabdiwali Sh. Suufi oo Arbacadii warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa caddeeyey in aanay Dawladda wax ogolaanshiyo ah soo waydiisan Dawladda Djibouti iyo Shirkaddaha wata Xadhigani, fasaxna aanay u haysan inay xadhigaasi keenaan Magaalada Berbera ama ay mariyaan biyaha Somaliland ee Badda.

Hadalka Wasiirka iyo talaabooyinka kale ee ay Jamhuuriyada Somaliland samaysay ayaa ka dambeeyey, hadal ka soo yeedhay Wasiir ka tirsan  Dawladda  Djibouti oo markii mashruucan la furayey munaasibada ka sheegay in xadhigaasi sii mari doono Magaalada Berbera oo uu ku tilmaamay magaalo kamida Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeedhay masuulka ka tirsan Xukuumadda Djibouti oo  si cad u xaqirayey madaxbanaanida iyo qarannimada Somaliland, isla markaana ilaa hadda aanay wax jawaab ah ka bixin Dawladdiisu, ayaa dareenka diblomaasiyaddeed ee uu labada dawladdood ka dhex abuuray ka sekow, si weyn uga cadhaysiiyey shacbiga Somaliland.

 

 

 

Qore: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews